Hargeysa(Geeska)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa shalay suxufiyiinta iyo hay’addaha daneeya u qabatay kulan bilow u ah mashruuc la yidhaahdo Tayaynta saxaafadda iyo sugida madax banaanideeda, kaasoo ay Maal-galinayso hay’adda IMS/FOJO, kaasoo socon doona laba bilood.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Cadaani Saxardiid oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi ayaa ka soo qayb galayaasha kulankan oo isugu jiray wariyayaal, Mulkiilayaasha Hay’addaha warbaahinta Qaarkood, iyo ururada Bulshada u balanqaaday inay wadashaqayn dhaw la yeelan doonaan bahda Saxaafadda.
Wasiir Cadaani waxa uu sheegay in uu ka qayb qaadan doono tayaynta iyo Horumarinta Saxaafadda, isagoo sheegay in uu guddi u magacaabay sidii ay Wasaaraddiisu wax uga qaban lahayd hagaajinta barnaamijyada iyo wararka ka baxa warbaahinta Somaliland.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac oo ay weheliyaan Agaasimaha guud iyo madaxa barnaamijyada ee SOLJA ayaa iyana ka waramay mashruucan, waxaanay sheegeen in uu wax badan ka tari doono horumarinta Saxaafadda.
Madaxda SOLJA waxa ay sheegeen in kulanka saaka la furay ujeedadiisu tahay sidii loo abuuri lahaa Guddi wadashaqayneed oo ka wadashaqaysa sidii xeerka saxaafadda loogu dhaqmi lahaa, isla markaana kaabis loogu samayn lahaa.
Sidoo kale, waxa ay ka hadleen in mashruucani sugi doono xubinimada Wariyayaasha iyadoo loo samayn doono siyaasad lagu hago, halka xog dheeraad ah laga ururin doonon Daneeyayaasha Saxaafadda si loo ogaado doorka ay ku leeyihiin Saxaafadda.
Waxa kale oo ay SOLJA sheegtay in mashruucan lagu samayn doono Qorshe loogu Doodo Suxufiyiinta si loo xaqiijiyi Madax banaanidooda, isla markaana lagu Difaaco marka ay la kulmaan Dacawdo iyo Tacadiyo ka dhan ah.