Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobalka Awdal

0
605

Borama(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay safar ugu baxay gobalka Awdal oo ay xaalad abaareed oo adagi ka jirto.

1

Weftigan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay  sidii madaxweynuhu shacbiga ay saamaysay abaarta liciifisay dadkii reer guuraaga ahaa ama xoolo dhaqatada ahaa ee deegaamadaa galbeedka.

Sida madaxtooyadu sheegtay socodkii uu madaxweynuhu kaga baxay Hargeysa ayaa ahaa mid ku jihaysnaa degmada qolujeed oo iyagu ahayd goob muhiima oo laysugu soo ururiyery dadkii ay abaartu ragaadisay, isagoo madaxweynuhu shacbigii ku sugnaa tuulooyinka, degmooyinka iyo magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, salaan gacan taag ah u fidiyey bulsho tiro badan oo madaxweynaha la dareen ahaa una muujiyey taageero iyo niyad wanaag ay la garab taagan yihiin dedaalka madaxweynaha ee dhinaca abaaraha, markii ay arkeen in madaxweynuhu ka damqaday shacbiga abaartu saamaysay, kana qaatay go'aamo taariikhi ah oo qaranka dhaxalgal u noqday uu ku dhawaaqay, waxaanu madaxweynuhu intii uu safarka ku guda jiray u degay madaxdhaqameedka deegaamada uu maraayey oo madaxweynaha isu taagay laamiga dhiniciisa, si ay ugu hambalyeeyaan socdaalkiisa iyo inuu la soo arko xaalada guud ee dalku halkay marayso marka loo eego dadka ay abaartu taabatay.

 Sida ay madaxtooyadu sheegtay Madaxweynaha iyo weftigiisuna waxay u sii gudbeen goobaha lagu ururiyey qoysaskii ay saamaysay abaartu kuna caydhoobay, kuwaas oo hadda qaybo ka midi ku sugan yihiin degmada qolujeed, madaxweynuhu markii uu halkaa gaadhayna waxa si balaadhan u soo dhaweeyey dadweynaha deegaanka ku dhaqan oo madaxweynaha iyo weftigiisa u muujiyey dareen waddaninimo iyagoo ka markhaati kacay xaalada adag ee ay ku sugan yihiin dadkaa abaartu waxyeelaysay ee lagu soo daad gureeyey xeryahaas.

 

isagoo madaxweynuhuna dadkii ku sugnaa xeryahaasi kormeeray kana dhegaystay warbiximo la xidhiidha sida ay abaartu u taabatay, waxaanu madaxweynuhu u kuurgalay indhahana ka soo qaaday xaalada dadkaas, Alle na waxa uu uga baryey inuu u gargaaro raxmad khayrqabtana u shubo, waxaanu madaxweynuhu halkaas gaadhsiyey raashin kala duwan oo loo qaybiyey guud ahaan deegaamada ay abaartu saamaysay, balse uu goobjoog ka ahaa madaxweynuhu dadkii loogu qaybiyey qolujeed raashinka oo dhammaa lix boqol oo qoys in ka badan.

Dadkaa tabaalaysan ee madaxweynuhu booqday ayaa dareenkooda muujiyey kana mahadceliyay sida loogu gurmaday, waxaana halkaa ka hadlay ugaaska guud ee beelaha samaroon, Salaadiin, Wasiiro iyo Gudoomiyaha gobolka Awdal oo dhamaantood ku nuux-nuuxsaday xaalada abaaraha iyo dedaalka madaxweynuhu ka geystay xaaladaas.

ka dib weftigii madaxweynuhu hogaaninaayey waxay u soo kicitimeen magaalada boorama oo ay caawa ku sugnaan doonaan.

Geesta kale, roobab lagu qabowsaday ayaa shalay ka curtay deegaano badan oo Somaliland ah oo uu ku jiro gobalka Awdal ee ay xaaladda adag ee abaareed ka taagnayd.