Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalku Marayo

0
447

Hargeysa (Geeska)-Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, labada Doorasho ee la kala qaaday, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Heshiiska Dekadda Berbera, faragelinta Beesha Caalamka ee Somaliland iyo qodob kale.

1

Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng:Maxamed Xaashi Cilmi iyo Prof Cabdilsalaan Yaasiin oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn Eng: Maxamed Xaashi Cilmi  Hay’addaha ajaanibka ah ee dalka ku sugan ugu baaqay inay si deg deg ah oo bilaa shuruud ah uga baxaan,waxaanu sheegay in aanay raali ka ahayn Madaxbanaanida Somaliland ee Somaliya oo Ciidamo shisheeye ahi ilaaliyaan ay  doonayaan inay Somaliland ku biirto, waxa kale oo uu si gaar ah u dhaliiyey Xukuumadda, Guurtida iyo Wakiilada oo uu sheegay inay muddo dhaafeen, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “ILLAAHAY inagama dhigin sabool, inaga ayaa iska dhignay, maamul xumadeena ayaa saboolnimada dhashay,hal milyan, laba boqol iyo sodon kun ku lumaya wax aan loo baahnayn, wax badan bay inoo qaban lahaayeen, wax ma li’in, laakiin imaankii baa inaga dhaawacmay, muddo kordhiskii baa yimid, kolkaas baa mar walba la kordhinayaa, Barlamaanka waxay ahayd marku xilku ka dhamaado waxay ahayd in ninka Madaxweynaha ah ee qaban waayey Doorashadii inay xilka ka xayuubiyaan,wey ka daayeen, wey ku daneeysanayaan, oo inay sii joogaan bay

doonayaan,Guurtiduna goor walba waxay tidhaahda waan ku kordhinaya shaqo kaleba ma hayaan, waxay iloowsan yihiin waxay ka dheefaan Mushahar ha ahaato wax kale ha ahaato , waxay ka dheefaan inuu xaaran yahay, xaarani intay kugu jirtana ILLAAHAY cibaado kama aqbalo,kolka nin weyn oo salaadii uu tukunaayey laga aqbali waayey, oo Soonkii laga aqbali waayey, oo wuxuu qabanaayey laga aqbali waayey,  khasaare weyn baa lagu jiraa, waxay ka baxeen Xukuumadda iyo Barlamaankan jiifa iyo Guurtidan aan shaqo kale aqoon ee dhaxal tooyada ku wada joogta, waxaan u maleeynayaa in 82-kii ay lix qof baa ka nool intii kale wey socotay, mar la doortayna ma jirto”.

Maxamed Xaashi mar uu la hadlaayey Hay’addaha dalka ku sugan ayaa yidhi “Qolada dalka degan, waxaan leeyahay naga baxa, naga baxa, naga baxa, waliba Ingiriisku ha ugu horeeyo, ninkii ina siiyey istiqlaalka ee ogaa xaalkeena dawladdana leeyahay la taga waatan gaadhka laga hayo,ee Botika laga xukumo, waxaan leeyahay inagu waxaynu haysanaa xoriyad,nabadgalyo ayeynu ku joognaa kuwaas askartu ciidamadu caalamku u soo wada diray ayey leeyihiin caqli xumadooda ku biira soo gala aanu idin wada laynee, wax soconaysa maaha, Madaxdeena, imika Madax sharci ku jooga ma jirtee, oo Barlamaanku wuu baabay oo wakhtigiisu wuu dhammaaday, Xukuumadda wakhtigeedii wuu dhammaaday, wixiiba sharci kuma joogaan, muddo ayey haddana kordhinayaan oo Barlamaanka 12-sanno sameeysan kari waayey sharcigii lagu dooraanayey ayaa maanta ina hor fadhiya, khasaare weyn baynu ku jirnaa, Dhalinyar iyo Waayeelba wixii dalkan danaynaya maanta ayey dhib yar tahay inaynu nidhaahno naga taga, Gaaladana naga baxa ayaanu leenahay haddii ay bixi waayaana talaabo ayeynu ka qaadi”.

Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa isna sheegay in aanay Xisbina ku biirayn, waxa kale oo uu talo u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku tilmaamay inuu yahay Mujaahid dalkan u soo dagaalamay, oo xogogolaal u ah xaalada dhabta ah ee dadka iyo dalkaba, isla markaana aan looga baahnayn inuu ka qayb galo shirirka Somaliland lidi ku ah, waxaanu yidhi “Saddexda Xisbi ee jira mid murankiisu halka uu ku dambayn doono war uma hayno, Xisbiyada jirana mid aanu hunguraynayno in aanu ku biirno ma jiro, waxay ku xidhan tahay mawaaqifta ay ka qaatan arimaha maanta taagan, Saddexda Xisbi, Saddexda Guddoomiye, Saddexduna shirarkaas wey ka qayb galeen badankooda, kii Ankara, kii London, kuwa Dubai-na, xaqul qalin ayaa maal ay doontaan saddexduna way tageen, haddii ay dawladda la qabaan oo ay caynkaas tahay waxay ila tahay wax ay umadda u soo wadaan in aanay jirin, mana muuqdo Xisbi aanu ku biirna, kuma biirayno, ismaanan weydiina in aanu ku biirno iyo inaan ku biirin,malaa Isbahaysiga ayaad  moodeen,qolada Isbahaysiga ayaa hadal haysay inay ku biiraan, Xisbi kumaanu biirin, mana filayo in aanu ku biirno”.

Xasan Guure mar uu ka hadlaayey Muuse Biixi ayaa yidhi “Muuse Biixi waa ninka kaliya ee Raggii jabhada ahaa ee dagaal la galay, ee wada hadalada ku jira Muuse Biixi isaga xil gaar ah ayaa saaran, Muuse su’aal kaliya ayaan weydiinayaa, Muuse wuxuu u soo joogay inta nin ee uu dagaal galiyey ee ku dhintay iyo sidii uu dalku u burburay ayuu goob joog u ahaa, maanta in Ragga u soo shaqo tagay inuu ku taageero isaga iyo Siillaanyo midna kamaanu filayn,cahdigii bay ka baxayn haddii aanay taas ka hadhin, waxaan leeyahay Mujaahid haddii ay wax kugu baxsadeen ka soo noqo, soo tuf, wali toobadu wey furan tahay Muusoow”.

Xasan Guure mar wax laga weydiiyey taageerada Musharaxnimad Muuse Biixi wakhtigii ay Madaxweynaha is hayeen ayaa ku jawaabay “Muuse wuxuu leeyahay in aanay lahayn Ragga kale, Mujaahid buu ahaa, in aanu ka dambaynaa waa daw, laakiin haddii uu ka soo noqon waayo ciqaab xun baa u taala if iyo akhiraba, oo wuxuu ka baxay cahdigii saaxibadii oo Raggii dhintay ee uu dagaal galinayey ayuu kaga baxayaa balantii, Muuse Biixi wax alaale wixii Somaliland ka dhacay goob joog buu u ahaa, mid walba wuxuu ka ahaa hormood, maantana iibkeeda inuu hormood ka noqdo waa nasiib daro”.

Xasan Guure mar wax laga weydiiyey xadhiga Saxaafadda ee Xukuumadda ayaa yidhi “Waxaan u maleynaya Xukuumadda gacanta oo loola tago mooye, wax hadal oo aan yidhaahdo in aanu u hadhin,haddii ay tahay Saxaafadda lagu tumanayo,waxa loo haystaa waa xaaran, sharciyan waa xaaran, haddii aynu jideyno inaynu sharci daro isku maamulno cidhibta ka dambaysa weynu naqaana”

Dhinaca kale Prof: Cabdisalaan Yaasiin ayaa isna dhankiisa ku taliyey in la ilaaliyo xoriyada Saxaafadda, waxa kale oo uu tilmaamay in madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland qasab tahay, oo aan cidna laga baryeyn cid kasta oo ka hor timadaana aan laga yeelayn, waxaanu Axsaabta iyo Musharixiintooda ugu baaqay inay caddeeyaan oo looga fadhiyo halka Somaliland loo wado.