Hargeysa(Geeska)-Madasha wada tashiga ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, gaar ahaan shirar beeleedyada, heshiiska Dekadda Berbera iyo ansixintii ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wakiiladu oo ay sheegeen in lacag lagu kala qaatay.
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Prof: Cabdilsalaan Yaasiin oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Xukuumadda Somaliland iyo Khatumo, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure Jaamac waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Baryahanba malaa waa la is weydiinayey Madashii halkay qabatay , waa la mustafeeyey, Xukuumadda ayey u galeen, Kulmiye ayey galeen, malaa iyaga ayaa si kale noqday, intaas midna ma jirto,Musuq-maasuqeenu waxa uu gaadhay labadii Hay’adood ee Wadanka sareeyey Hogaankii Madaxdii Wadanku, Maskaxdii iyo Gacantu inay wax kala iibsadeen,inay umaddii kala iibsadeen baad arkaysaa, waxaanu ognahay in sicirkii la gaadhsiinayey ilaa labatan kun oo dollar, oo qofkii la siinayey, markaad eegto sida ay ku bilaamatay doodii Barlamaanku waxaan is idhi Dunida Rag baa ku nool, waxa se muuqatay oo la is weydiinay oo la filayn inuu cod dhaco in cod la galiyey oo habeenimadii la soo wada hadlay, barigii hore waxaan soo gaadhnay musuq-maasuqa oo danbiya, oo qofka gala la dilo, waxa ka dambaysay isag oo ceeb ah, waxaan marayna isaga oo amaan ah imika”.
Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure mar uu ka hadlaayey heshiiskii Dekadda Berbera ayaa yidhi “Arintii u dambeysay ee Dekadda, dadka oo dhan baa ka qayliyey, cid waliba wey ka qaylisay,oo dawladdu boqol goor bay warar kala jaad ah sheegtay, ilaa maalintii ay Barlmaanka soo hor dhigtay waad ka warhaysaan oo labadii Wasiir ee la weydiiyey midi wuxuu yidhi waa heshiiskii oo dhaba, midina wuxuu yidhi maaha heshiiskii,wuxuu doonaba ha ahaate waxa ka sii diiran oo ayaan darada taal weye umadda cid baa xilka u haysay, kii xeerka sameeyey iyo kii fuliyey labada ay ahayd inay is ilaaliyaan ee umaddu xilka u dhiibtay,ayaa kala iibsatay umaddii”
Xasan Guure Jaamac ka hadlaayey in Shir loo dhan yahay la iskugu yimaado ayaa yidhi “In dadku isku yimaado oo la wada hadlo oo weelka la balaadhiyo weeye,oo Madasha madal ka balaadhan Somaliland isku timaado oo tidhaahdo halkana weynu maraynaa halkaasna weynu ka soo dhaqaaqnay barito maxaynu qabsanaynaa haddii ay Somaliland u dhamato oo Dawladda dhawr qof isku koobayaan, oo qoladaasna mar lala hadal, qoladaasna mar lala hadal, oo arin loo dhan yahay iyo fagaaro loo dhan yahay ay Somaliland iskugu timaado weeye oo haddii aanu anagu nidhaahno waxa la odhanayaa shir beeleed bay doonayaan,iyagu shir beeleed yaanay dhigin ee mid ha sameeyaan, Khatumo waanu soo dhaweeynaynaa, aad baanu u soo dhaweeynaynaa”.
Xasan Guure mar uu ka hadlaayey Shir Beeleedada ayaa yidhi “Shir doceedada, ama qolada Baxarasaafka ama qolada Garxajis, ama qoladii Bali Dhiig ee Habarjeclo qabsatay Somalidu waxay tidhaahda nin daad qaaday xunbo cuskay haddii Dawladdu wixii qabanaysay la waayo ama qaban weydo, xagge loo dhaqaaqaya, xaggii reerka ayaa loo dhaqaaqaya,marka ayaan la qabsan reerka”
Dhinaca kale Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo isna halkaas ka hadlay ayaa si gaar ah waxa uu uga hadlay Golaha Wakiilada oo uu sheegay in inta badan “Wakiiladu waxay yidhaahdeen aynu ku ansixino Miisaaniyadda duuduub, duuduubkaasi waxa weeye wixii tuugo ahaa aynu qarino, in laga hadlo oo laga doodo ayey ahayd, oo la tafatiro oo laga guro masaabiirta ayey ahayd, duuduub aynu ku ansixino ayey yidhaahdeen, kolka duuduub lagu ansixinayo waxa weeye wixii wey ka soconaysa, haddana xisaab xidhkii baa yimid,markii ay sidaas ka yeelan Miisaaniyadii ayey haddana yidhaahdeen xisaab xidhka iyana duuduub aynu ku ansixino, marka sida aanu wax u isticmaalay iyo sida aan wax u boobnay yaan haddana halkaas laga garanin ayey iyana noqotay, waa sharci jabin uu labadaba sameeynayo Shir gudoonka Wakiiladu”.
Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Wixii aynu u dagalaanay ee naf iyo maalba u hurnay, wax baynu ka haynaa oo dan iyo dad baynu ka haynaa,waxa kale oo aynu ka haynaa in hab qaab dhismeed oo dawladdeed dhisnay, laakiin haddii aynaan maamul wanaagii aynaan hayn, waxa marka imanaysa inaynu su’aal is weydiino, dalkan sidii baynu dalkan maamul wanaag ugu sameeynaa aynu nidhaahno, dalka Somaliland waa la wada leeyahay, Somaliland-ta uu Ingiriisku ka tagay ee uu siddeetanka sanno ku dhawaadka xukumayey waa la yaqaana, xuduudkeeda waa la yaqaana, dadka dega waa la yaqaana, dadkaasi inay wax wada yeeshaan weeye”