Hargeysa (Geeska)- Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, iyo Masuuliyiin xilal ka soo qabtay Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, oo hadda ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa waxa ay ka hadleen jawaabna ka bixiyeen tanaasulkii la sheegay inuu Madaxweynuhu ka tanaasulay Mushaxnimada Madaxtinimo ee Doorashada soo socota ee la filayo inuu Sannadka dambe dhacdo, waxaanay beeniyeen tanaasulkaas laga baahiyey Madaxweynaha.
Waxa ay faafinta wararkan ku eedeeyeen dad ka ag dhaw Madaxweynaha iyo Madaxtooyada, balse Xisbiyada Mucaaridku aanay ka dabmeyn, waxayna sheegeen inuu Madaxweynuhu yahay Musharxa qudha ee ka sharaxan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye. Siyaasyiintan oo kala ah
Abiib Xasan Filfil, Cabdi Maxamuud Saleeban (Migiste) Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Axmed Aadan Ismaciil (Axmed Kayse), Ibraahin Ducaale Saleeban, oo Shalay si wada jir ah Shir jaraa’iid ugu qabtay Safaari Hotel, ayaa waxa ay tilmaameen in Labada Xisbi Mucaaarad ee UCID iyo Waddani, aanay lahayn waxa barnaamuj ah oo ay dadka u soo bandhigaan, si loo doorto, waxayna sidoo kale Bulshada uga digeen qabyaalada.
Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale waxa ay Bulshada reer Somaliland uga digeen inay ka feejignadaan qabyaalada oo ay tilmaameen in cadawga Somaliland uu doonayo si uu u kala furfuro waxa ay Somaliland ku tabcaysay 23-sanno ee ay jirtay, Cabdi Maxamuud Saleeban (Migiste) oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa isagu si gaar ah uga hadlay Labada Xisbi Mucaarad, waxaanu xusay in aany lahayn barnaamuj ay soo bandhigaan oo ay Bulshada ku kasbadaan, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Labada Xisbi Mucaaridka ee Maanta Jira, wali shacabka umay soo Bandhigin Barnaamuj Siyaasadeedkood, waxaan eegay Barnaamujayada Labada Xisbi waxaan arkay in aanay jirin wax umaddu ku raacdo oo muhiim ah, Xisbiyada Mucaaridka Barnaamuj siyaasadeedkooda ku jira Websedyadooda waxa la qoray 2002-dii, taasina waxay ku caddeeynaysaa in aanay jirin wax Barnaamuj ah oo ay hayaan, laakiin waxad mooda in Labada Xisbi mucaarid Barnaamujkoodu Siyasadeedkoodu noqday Cay iyo Aflagaado, loo geysto Madaxda Sare ee Qaranka Somaliland”.
Dr. Maxmed Aw Daahir Ibraahim oo isaguna Shirkaasi jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in tanaasulkii la sheegay inuu Madaxweynuhu ka tanaasulayo Doorashada Madaxtinimada ee Sannadka dambe, ayaa waxa uu ku eedayey cid Madaxweynaha ka ag dhaw, isaga oo xusay in Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga Kulmiye midna aanu warkaasi ka soo bixin, waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya“Wax layaab leh oo la is waydiinayaa Cidan markuu Madaxweynuhu baxo dalka ka dhalinaysa qalalaasaha Siyaasadeed ee dalka khalkhal galinaysa cida ay tahay, waxaynu ognahay in aanay ahayn Xisbiyada Mucaaridka ah oo dadweynuhu ka dharagsan yahay, waxase Shalay noo cadaatay in Xisbigii Kulmiye hogaankiisi Hangool laba Faraarood leh in ay iskaga durkiyeen oo ay yidhadeen meel Madaxweynuhu kaga noqday iyo meel lagu sheegay midna ma ogin, waxa la yidhi ninbaa Saq dhexe intu kacay oo uu Hareerihiisa eegay kadibna markii uu cidna ku arki waayey, Ayuu farta taagay Ninkii waxa loo bixiyey Fartaag, Bulshada Somaliland Maanta fartaag way dareensan tahay cida fartaagasi yahay, fartaag waxa laga hoos eegayaa dadkii Madaxweynuhu wax ka dhigay ee xilka uu u dhiibay ee isaga hoos joogay halka dadweynuhu ku dareensan yahay halkaasi weeyi mar haddii aanay xisbiyada Mucaaridka ahayn, mar haddii aanay ahayn Xisbigii Kulmiye oo Hogaankiisi iska fogeyey, waxa la dareen san yahay cid madaxweynaha Xil u haysaa ay tahay”.
Abiib Xassan Filfil oo isna ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, Xukuumadii hore ee Daahir Rayaalena Wasiir ka soo ahaa oo hadda ka ka tirsan Xisbiga Kulmiye, oo ka hadlay Shirkaas Jaraa’iid ayaa Xisbiyada Mucaaradka ah dhaliilo u soo jeediyey, waxaanu yidhi “ “Anigu waxan u jawaabaya Nimanka Ciladeynaya Diwaangalinta Madaniga ah oo Barbogaandhada ka fidinaya oo ah Niman dalka uu hunguri Siyaasadeed ka hayo kuwaasi oo ah Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland, nimankaasi wixii fiican ma sheegan balse Xukumada ayey Burush xun dabba Sitaan, hore ayaa loo yidhi timahaaga qaarna hoosba loo xiira qaarna Kor dalkani wax auu u bahan yahay in loo tudho, oo wuxu u baahan yahay Tudhid siyaasi ah, mid dhaqaale iyo tudhid sumcadeed, hadaba dadka Diwaangalinta Madanig ah waxa ka sheegaya dalkan umma Tudhayaan ayaan leeyahay, Ninka Diwaangalinta waxa ka sheegay waa Nin ka baqanay Doorashada oo is leh codba shacabka ka helimaysid.”
Axmed Aadan Ismaciil (Axmed Kayse) oo isna ka mid ah Siyaasiyiintii halkaas ka hadashay ayaa Bulshada uga digay Qabyaalada, uguna baaqay inay ka feejignadaan, waxaanu yidhi “Anigu arrinta aan ka hadlayaa waa mawduuc aan qaylo dhaan ka dirayo oo aan ummada Somaliland oo aan leeyahay ha ka feejignaadeen taasi oo ah Qabyaalada waxad ogtihiin in Somaliland jirtay muddo 23 sanno ah, markii cadawgii Somaliland waxba ka qaadiwayey ayuu isticmaalay tabbo iyo Xeelado la doonayo in Ummada Somaliland lagu kala furfuro loona wiiqo Wadda jirkooda iyo midnimadooda si Somaliland markaasi loogu kala yaaco, Qabyaalada Somaliland lagu soo dhex tuuray waxa laga soo maleegay waa dibadaha waxana tusaale u ah waxyaabaha Warbaahinta laga siidaynayo ee lagu hadlayo qabiilada iyo waxan dhaamin ee Ummada dhexdeeda shakiga la kala dhexdhigayo, runtii nidaamka Xisbiyada Badan waxay ahayd in lagu suuliyo Qabyaalada oo aynu Abtirsiin cusub yeelano, haddii aad istidhahdaan Somaliland muddo 23 sanno ayey jirtee Qabyaaladu ma Burburin kartaa Jawaabtu waa Haa way burburin karta melba idinka oo ka eegin waxa weyi somaliya wixii burburiyey waa Qabyaalad marka waxan soo jeedinayaa in laga hortago Fidnadaasi inagu soo socota.”
Ibraahim Ducaale Saleeban oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Arrintii Maalintii dhaweyd warbaahinta lagu qoray ee ahayd in Madaxweynuhu ka tanaasulay Musharaxnimada anigu waxan qabaa oo aanan Dul mareyn in Xubno Awood ku leh Xukumadda Somaliland oo u haraadan Awood madaxtinimo in ay arrintaasi fidiyeen, waxan leeyahay Xubnahaasi ha joojiyaan Borobogaandhadaasi Madaxweynuhuna Waa Musharax Xisbiga Kulmiye waana la wadda og yahay, meel uu Madaxweynuhu kaga tanaasulay Musharaxnimadaasi ma jirto, muddo xileedka Madaxweynaha yaan la degdegsan baan leeyahay Dastuurkuna wuxu u siiyey madaxweynaha Labba Wakhti marka wakhtibaa u hadhay ayaan leenahay.”