Siyaasi Qabo Oo Sheegay In Laga Qaban Waayay Lacagta Shuruudda U Ah Inuu Ka Qayb-Galo Tartanka Hoggaanka Kulmiye

0
553

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo ka mid ah Xisbiga Mucaafidka ah ee KULMIYE ayaa sheegay in laga diiday in laga qabto Lacag Shuruud lagaga dhigay Musharraxiinta doonaya inay u tartamaan Jagooyinka kala duwan ee Hoggaaminta Xisbigaasi.

Maxamed Ibraahim Aadan oo Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka soo qabtay Xilal uu ka mid yahay Wasiirka Qorshaynta Qaranka, ayaa sheegay in Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha oo uu la kulmay Khamiistii la soo dhaafay ay kula ballameen inuu sabtidii Shalay Xarunta keeno 10 kun dollar oo kaash ah iyo Waraaqihiisa Codsiga, laakiin Shalay markii uu Xarunta tagay uu ka waayay Cid ka qabata Lacagta.

Siyaasigan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Afaafka hore ee Xarunta Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu doonayey inuu u tartamo Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE, laakiin illaa hadda aan gudiga qaban-qaabadu aanay ka qabanin Lacagtii shuruudda ahayd, taasina tahay wax loola badheedhay isaga iyo beeshiisa.

Qabo oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Xarunta Xisbiga waxaan imid Khamiistii, Shuruudo ayaa la igu xidhay, waan soo buuxiyey shuruudihii, Khamiistii Askar baan ugu imid Albaabka, wayna iga celiyeen Albaabka, markii dambana Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Xinif ayaa intuu soo kacay Albaabka hoosta ka xidhay, aad baanu u garaacnay Albaabka, dabadeedna Guddiga qaban-qaabada ayaa isku qabtay ‘aynu soo deyno iyo yaynaan soo deynin’ Saacad baan la joogay oo aan illaa lahaa lacagta iga qabta, waxaanu u tartamayeyna wuxuu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga. Haddaan imika la beddelin Xisbiga KULMIYE wuxuu ahaa Xisbi dimuqraadi ah oo cid kastaaba u tartami karto.”

Maxamed Ibraahim Aadan waxa uu sheegay in Khamiistii xubno guddiga qaban-qaabada ka mid ah ay u sheegeen inuu Sabtida yimaaddo Xarunta “Axmed Cadarre ayaa dibedda igula hadlay oo igu Annagaa is hayna oo soo dhamaysanaynee iska tag, markii dambe waan galay, waxay yidhaahdeen Sabtida kaalay, Maanta (Shalay) waataa meeshii qof kama joogo, markaa waxaan u arkayaa ujeeddo gaar ah oo Aniga la iga leeyahay ama deegaan ahaan Dadka ka soo jeedo loo jeedo, Waayo? Hoggaanka xisbiga waxaanu ku lahayn Xoghayaha guud ee Xisbiga, xoghayihii xisbigana waxa laga dhigay Qof la Magacaabo oo Agaasime Waaxeed ah, markaa xaq baanu u leenahay inaanu hoggaanka xisbiga u tartan, Xeerka Xisbigana garan mayno meel ay kaga qoran yahay ‘Halkaa reer Hebel baa leh’.”

Siyaasigu waxa kale oo uu sheegay “Waa ayaan-darro weyn ku habsatay Xisbiga Kulmiye in la yidhaahdo Cid baa loo xidhayaa iyo soo geli maysaan, laakiin Libaax laba Raqood lagama wada kiciyo, Madaxweyne Muuse haddii aanu ku ixtiraamnay raggayagii la shaqeeyay haddana uu yidhaahdo Xisbiga Agtiisa soo mari maysaan ka yeeli mayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo ka jawaabaya inuu lacagtii sido iyo in kale “Waan sidaa…waa kuwaa 10-kii kun, Waraaqihiina waa kuwan..laakiin waxaan leeyahay ‘Ilayn Good abaal male’..”ayuu yidhi.

Hase-ahaatee, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan  Maxamuud Jaamac Warfaa oo Telefiishanka SAAB waydiiyey waxa ka jira Warka Qabyo ee ah in laga qaban waayay Lacagtii shuruudda ahayd ayaa ku jawaabay “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Si xun wax u sheeg, sixir ka daran’, Qabo Lacag lagama diidin, Xisbigana looma diidin, musharrax uu noqdayna looma diidin, Qabo wuxuu xisbiga yimid Maalintii khamiistii, jeeg  buu keenay isagoo leh waan tartamayaa ee lacagta Shuruudda ahayd waatan ee ha la iga qabto, waxa lagu yidhi Kaash baa la qabanayaa ee Kaash ka soo dhig, Saaka (Shalay) ayuu yimid isagoo Kaashkii sida.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Anigu waxaan u qabaa in Qabo uu marka horeba uu Xisbiga cambaarayn iyo ku xumayn la doonayey.”