Siyaasi Khadar Budle Oo Si Adag Uga Hadlay Xaaladda Dalka

0
578

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Khadar Cismaan Cilmi (Khadar Budle) oo ka mid ah dhallinyarada reer Hargeysa, ayaa si adag uga hadlay xaaladda uu ku suganyahay dalka Somaliland, isagoo ka dayriyay xaaladda siyaasadeed iyo cadaaladeed ee uu dalku marayo.

wwwwwwwwwwwwwwwwwww

Khadar Budle, ayaa wuxuu shalay magaalada Hargeysa ka soo saaray warsaxaafadeed, uu si qoto dheer kaga hadlay halka uu wadanku marayo, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan “Waxaynu ognahay in qaranimada Somaliland tahay mid inagu joogta qiime aad u sareeya oo aynu u hurnay naf iyo maalba, sidaas daraadeedna u baahan inaynu wada ilaashano, kana shaqayno horumarkeeda.

Tan iyo bilowgii dawladnimadii la soo noqoshada Somaliland waxa kala dambeeyay xukuumado mid kasta lagu xusi doono halkii ay gaadhsiisay qaranka.

Haddii aan si guud uga hadlo xaaladda wadanka ee maanta uu marayo, runtii waa meel u baahan inaan la daawan lagana aamusin, waana mid qof kasta oo ay ka muuqato aqoon iyo karti wadaninimo sidii uu ugu gurman lahaa qarankeena oo u muuqda inuu haadaan ka sii lusho.

Waxa isbedelay dhaqankii dawladnimo, iyo tii hoggaamined ee aynu ku gaadhi lahayn, rajadii ay umaddani qabtay. Waxa haatan uu dalku marayaa marxalad aynu ku sifayn karno tii ugu liidatay, marka laga eego xagga hoggaaminta iyo masuuliyiinta dalka taladiisa hagaysa, kuwaas oo aan ku socon tubtii dawladnimo ee loo baahnaa.

Waxa meesha ka baxay isfahamkii iyo kalsoonidii xukuumadda iyo shacabka amaba xukuumadda dhexdeeda, waxa leexday geedigii iyo garqaadkii hoggaamineed, waxaana liita amaba meeshaba ka baxay masuuliyadii iyo isla xisaabtankii, taas oo keentay in masuul kastaa sida uu u doono u dhaqmo, uguna takri falo awoodda.

Waxa kor u kacay, masuqa, eexda iyo qabyaaladda taas oo qaranka dhaxalsiisay fadhiidnimo. Waxa kordhay shirarka iyo shakiga ay beeluhu ka qabaan siday wax u socdaan, masuuliyiinta dawladuna waxay u qaybsameen laba qaybood.

Kuwa kursiga uun culaysiiyay oo aan lahayn awood fulineed

kuwo qaranka culays ku haya oo ku takri falay awoodihii

Kuwa awooda badan leh ee qaranka culayska ku haya waa kuwa uga faa’iidaystay awooda xil inay ku fushadaan danahooda gaarka ah iyo kuwa deegaanada ay ka yimaadeen. Waxay gebi ahaanba bedeleen dhaqankii dawladnimo, waxay bedeleen magacyadii laamaha dawladda ee fulin lahaa horumarka iyagoo ku bedelay magacoodii sida [Hebel ama heblaayo ayaa ceelkan qoday ama cisbitaalkan dhisay, ama ambalaaskan noo keentay/keenay kuwaas oo lagu bedelay wax qabadkii dawladda], kuwaasina waa kuwa ay bulshadu isha ku hayso ee mar kasta ka muuqda warbaahinta, loona baahanyahay in la dareensiiyo inay masuul ka wada yihiin qaranka, kuna shaqeeyaan magaca dawladnimo ee ay koodii gaarka ahaa ka horumariyeen.

Masuuliyiinta kale ee iyagu kuraasta uun culaysiyay malaha awood fulineed oo ay wax kaga qabtaan baahiyaha deegaanadii ay ka yimaadeen. Haddaba fashilka maamul ee ay keentay cadaalad darrada iyo qabyaaladu waxay ina dhaxalsiisay in masuuliyadii  laga filayay xukuumaddan wakhtigeedii dhammaaday uu gebi ahaanba meesha ka baxo, hungada iyo hoosaasinta iyo hagar daamada xukuumadani markii uu soo shaac baxay waxay miciinsadeen inay qiiq isku qarin iyo nidaam xuub siibasho ah ay ku abaabulaan guddiyo aan la garanayn sida ay hawshii xukuumadda iyo madaxweynuhu u hayeen umadda in dhakada loo saaro guddiyo oo lagu majaro habaabinayo si loo qariyo in lagu fashilmay hoggaaminta iyo gaadhsiitna himilada dalka halkii loo baahnaa.

Umada waxa deeqdaa waa cadaalad, waxa jira gobolo la go’doomiyay oo ka madhan horumarka ay xukuumadani ku faanto, waxaana laga go’doomiyay biyaha, caafimaadka iyagoo aan lahayn hal ambalaas oo umasha lagu geeyo cisbitaalka ugu dhow, waxaanan ku soo hal qabsanayaa tuduc ka mid ah maansadii marxuum Gaariye oo ah

Dabaalnimana kama aha

Degen maaxsanaantuye

Wixii laga dagaalamay

Wax u dooriyaan jirin

Ugu dambayntii waxa lala xisaabtami doonaa cidda maanta masuuliyadda haysa if iyo aakhiraba, madaxweyne Siilaanyana waxa lagu waday inuu ahaa ruug cadaa, lagamana filayn siday maanta wax u socdaan, waase duruus loo baahanyahay inay ka leexdaan hoggaamiyayaasha ka dambeeya, waxaanan ku soo gunaanadayaa, qayb ka mid ah maansadii Hadraawi ee ahaa

Nin hadduu go’aankiyo sharciga

Gawrac ugu jiido

Hadba goon dhabaaliyo

hadduu goodi furan keeno

Guudaan h adduu ku liqo

Eregyo geedaysan

Gal daloolo qudha maaha

iyo goonidaa taliye

Ged aan laga filayn

baa jirtiyo geela daaq kale