Siyaasi Jawaan Oo Ka Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Guddoomiye Baashe

0
1108

Hargeisa (Geeska)- Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa si kulul uga hor yimid hadalo ka soo yeedhay gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Md Baashe Maxamed Faarax.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo u waramay Saabtv, ayaa kicin dadweyne ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhay gudoomiye Baashe, waxaanu yidhi “Gudoomiyaha baarlamaanka waan la yaabana markuu lahaa toban qabiil ayaa 26 leh, reerna 56 ayuu leeyahay, arintaasina waa kicin oo dadka ayaa la kicinayey  waxaanu yidhi tobankayagaasi ma lihin cod oo wixii aanu keenaba waa nalagaga awood badanayaa, qabiil laguma keeno mooshinka waxaana keenaya xubnaha isku aragtida ah lamana odhan reer hebel ayaa meesha laga leeyahay mana aha in naxli la abuuro, isaga ayaana samayn kara sharciga ee maaha inuu calaacalo.”

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa soo bandhigay cida khasaaraha ku qabtay qaabkii lagu soo doortay golaha wakiilada waxaanu yidhi “Kuwa dulman ee ugu xun waa hargeysa, waayo waxaan ogahay aniga oo ah ninkii ku dhawaaqay sadexdii doorasho ee hore baarlamaankan hada fadhiyana komishankayagii ayaa soo saaray, waxa weeyaan nin 5000 cod midhadh uga dhiman yihiin ayaa hargeysa ka dhacay xisbiga Ucid  kaas oo wali taagan kaydna ah kaas oo aan hadlayn oo aan murmayn  waxbaa iga maqana aan lahayn, kursiga Hargeysa waxa uu ku soo bixi karaa  codadka u dhaxeeya shan kun ilaa lix kun.”

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa sheegay inay jiraan habab badan oo wax lagu sixi karo “Markaa wax waa la sixi karaa marka si caqliyan ah loo fikiro ee la xisaabtamo, laakiin dhaqan asluub leh oo wanaagsan oo dawladeed waa in la adeegsadaa  balse caytan iyo reerbaa wax boobay , waji xun in la bixiyo oo sumcad xun laga bixiyo dalka iyo dadkaba oo dad  iyaguba dulman oo shan kun iyo lix kun ku dhacaya la yidhaa iyaga ayaa wax boobaya waa khalad meesha ku jira.”

Sidoo kale siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa soo bandhigay daraasad ku saabsan golaha wakiilada oo wakhtigii ay guddida doorashada ahaayeen u gudbiyeen madaxweynihii xiligaasi iyo waxyaabaha ay ku saabsanayd, waxaanu yidhi “Komishanka markii aanu ahayn intaanu qornay ayaanu madaxweynaha u gudbinay hoosta ayaana la dhigay waayo Guurtida waxa loo haystaa inay cusboonaysiiyaan mudada madaxweynaha mar kasta, markaa shuruudo ayaanu ku xidhnay kuwaas oo aanu nidhi waa in raga galaya golaha guurtidu ay noqdaan ragii u soo shaqeeyey dalka ee magaca leh sida aduunku yahay, rag wasiiro ahaan jiray, hogaamiyeyaal ahaan jiray, saraakiil ciidamo ahaan jiray, shaqaale dawladeed ahaan jiray iyo dad ganacsadayaal ah oo magac leh kuwaas oo u baahan inay dalkooda u shaqeeyaan, markaa dadkaas oo aqoontiina leh ayaa la geeyaa waana golaha waayeelka iyada oo dadkaas waayeelka ah la geeyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here