Siyaasi Geeljire Oo Ka Hadlay Xukuumadda Cusub

31
2907

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Guuleed (Geel-jire), ayaa ka hadlay Golaha Wasiiradda ee uu magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha ku taageersan yahay  Dhalinyarada la magacaabay.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Guuleed (Geel-jire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Wasaaraddaha la soo koobay iyo aragtida Shaabka ee ku saabsan Xukuumadda la soo dhisay iyo in laga dhex waayey dad la filayey in la magacaabo, waxaanu ku taliyey in fursad la siiyo Wasiiradda la magacaabay, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Xukuumadda uu soo dhisay, waanu taageersan nahay, oo waa Madaxweynaha aynu dooranay, waxaana inala gudboon inaynu ku taageerno Golihiisa Wasiiradda ee uu magacaabay, gaar ahaan dhalinyarada faraha badan ee ku jirta, oo iyana qodob aad u wanaagsan ah, Dhalinyarada waa in la shaqo galiyaa, ilayn iyaga ayaa dalkan la wareegaya, waana muhiim inay  hore u bilabaan hawsha qaranka”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Wasaaraddaha la isku daray, ee la soo koobay ayaa ku jawaabay “Wasaaradda la soo koobay, waa soo ururinta iyo soo yareynta hawsha,si maamulkeeda loo hagaajiyo, markaas wey haboon tahay in Wasaaraddaha aad loo koobo”.

Mar uu talo u diraayey Wasiiradda la magacaabay ayaa ku jawaabay “Guud ahaan Wasiiradda la magacaabay waanu ugu ducaynaynaa in ILLAAHAY xilkooda ku asturo, waana inay dareemaan in waxa loo soo xushay ay tahay adeegga umadda, markaas waxaan kula talinayaa in aanay waxba kala hadhin sidii ay umadda ugu adeeggii lahaayeen, iyagoo fulinaya Siyaasadii Xisbiga ee uu Madaxweynuhu ku hogaamiyey, ee aanay noqon kuwo dadka albaabada ka soo xidha, ee si wanaagsan oo hufan umadda ha ugu adeegaan, ogadaana inay dadka u shaqeeynayaa, ee aanay iyagu dadka xukumin, shaqada iyo kartida markii horeba loo soo xushay ayaa lagu tuhmayaa, markaas inay labadaas isku dabaqaan, ayaa haboon, wixii khibrad aanay u lahayna waa inay halkay ka helayaan ay weydiiyaan, ceebna maaha inaad cid wax weydiiso, qof kaligii wax yaqaanana ma jiro”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko dadkii la filayey in la magacaabo oo meesha ka maqan iyo dareenka Shacabka ayaa ku jawaabay “Shacabku waxa laga yaaba in qaar ay iyagu garanayeen, oo ay aqoon u lahaayeen oo u han weynayeen in aan la magacaabin, laakiin in dhalinyarada wakhti la siiyo, oo iyagana la barto,ayaa wanaagsan, nin isaga oo la yaqaano soo dhashay ma jiro, ee nin waliba hawl buu ku soo baxay, oo fursad baa la siiyey, ee dhalinyaradaas uu Madaxweynuhu fursada siiyey, in iyana la eego ayaa muhiim ah, kii kartidiisa iyo hufnaantiisa isku muujiyaan uu soo bixi doonaa, oo isna kuwaas la majeernayo ayuu ka mid noqon doonaa, markaas Dhalinyaradaas fursad ha la siiyo, dadweynahana waxaan leeyahay ha la taageero, oo ha loo duceeyo, oo kuwii hore ay u yaqanaan yaanay odhanin lama keenine”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here