Siyaasi Dhoollayare Oo Ka Hadlay Dhamaystirnaan La’aanta Xukuumadda Iyo Sida Ay JSL Ku Gaadhi Karto Xuduudka

21
2695

Hargeysa (Geeska)-Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, oo Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, Wasiir ka ahaa, haddana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka  ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu kula taliyey inuu Xukuumaddiisa dhamaystiro, oo jagooyinka buuxa uu magacaabo, waxa kale oo uu baaqay  in muddada shanta sanno ah ee uu taladda dalka hayo, inuu ku dadaalo sidii magac, sharaf iyo wax qabad muuqda uga tagi lahaa, waxaanu kula taliyey inuu Doorashada wakhtigeeda uu ku qabto, cadaaladana uu hagaajiyo.

Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, oo Kalsan TV wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay Xisbiyada, waxaanu tilmaamay inay Xisbiyadu yihiin Xisbiyo Qaran, balse ay dadka qaar u haystaan inay iyagu leeyihiin, waxaanu Madaxweynaha kula taliyey inuu Xisbiyada ku soo celiyo nidaamkii Dimuqraadiyada, waxaanu yidhi“Madaxweynuhu wali muu dhamaystirin Xukuumaddii, oo xubnihii ugu muhiimsanaa iyo rukumadii dhexe oo dhami Xukuumadda wey ka maqan yihiin, imikana waxa laga jooga laba bilood, ilaa Doorashadii, waxaan filaayey Madaxweynuhu inuu tamar badan u hayo sidii uu dalkan u dhaqaajin lahaa, laakiin ilaa imika  Xukuumaddii muu dhamaystiran, wakhti baa socda, wakhti baa gurmaya, Xukuumadduhu markay cusub yihiin waxa wanaagsan inay dhiiradaan, ee Madaxweynaha wakhti badan inay ka qaadato maan filayn dhamaystirka Xukuumaddiisa, waayo Badhasaab ha ahaado, Agaasime guud ha ahaado, nin kastaaba wuxuu is leeyahay miyaa lagu bedeli, miyaa lagu joojin, markaas shaqo inay Wasaaraddaha laftooda uga socotaa wey adag tahay”

Dhoolayare mar uu talo u soo jeedinayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne Muuse oo sida aan horeba u sheegay, oo muddaba u halgamaayey, inuu maruun ku fadhisto kursiga ugu sareeya dalka, Madaxweyne adiga ayaa kursigii ku fadhiya, midada daabeedkeedana adiga ayaa haya, xumaan iyo wanaagba wixii lagugu xaman jirayba, oo masalba nin wanaagsan baad tahaye, maruun gacanta aad la baxday, dalkan taariikh wanaagsan kaga tag, cadaalad intii aad kari kartana samee, Doorasho dambena haddii aad diyaar u tahayna, Mucaarad baan ahay haddana taladda dalkayga wixii u wanaagsan in aan sheego, Doorashada dambe inaad wax qabad ku gasho, oo aad soo jiidato Xisbiyada kale oo aanad u galin waxan ay dadku imika u buxiyeen jeegaanta, oo ay noqoto wax dadku wada leeyihiin, Xisbiyadana aad ka dhigto Xisbi, waayo qofka taariikhda ayaa ka wanaagsan, laakiin inaad meeluun ku dheganaato oo aad fool xumo kaga tagto Adduunka, waxa ka wanaagsan inay taariikhdaadu noolato, hadad dhimato wali waad nooshahay, oo Xisbiyada uu ninka kaliya xukumanaynaa aad ka soo saarto, sharciyo ay dadku u siman yihiin, beesha aan anigu ka soo jeedo waxaad mooda in aanay Kulmiye iska soo sharixi karin, oo dad baa isku haysta inay iyagu gaar u leeyihiin, oo Waddani sidaas oo kale ayuu noqday oo waxa laga yaaba inay dad u haystaan inay iyagu gaar u leeyihiin, Xisbiga UCIDna waa la mid oo uu ka daran yahay, oo kaasi isagu waa gaarba, oo qof baa gaar u leh,  Xisbi waliba qolo ayuu ku suntan yahay, ee inay Xisbiyadu sidii loo abuuray ee saxda ahayd,   inuu Madaxweynuhu ku soo rido dariiqoodii oo uu hagaajiyo, macal xisbigiisa, oo uu ka dhigo Xisbiyo hagaagsan, oo tartanka gala, oo dadku u siman yahay, oo tartan lagu kala helo, taasina waa iga dardaaran”.

Isagoo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Runtii maan jeclayn inay Xukuumaddu dhiig faraha la gasho,oo dagaal faraha la gasho,  madaama ay jiraan marxalado fara badan oo laga sugaayey Madaxweynaha inuu qaado talaabooyin kale oo ka haboon dagaalka, in Xuduudaha la gaadho waa waajib, oo Dastuurka ayaa ina faraya iyo wadaniyada, inaynu xadkeena joogno, laakiin waxa ka horeeya u diyaar-garaw ah ciidanka xaggiisa, dhaqaale, duruufaha maanta inagu xeeran baan ka hadlay, laakiin kama soo horjeedo in ciidanku xadkiisa gaadho”.

Dhanka kale wuxuu xusay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo ahaa qof wanaagsan, balse muddadii uu taladda dalka xukuumaayey in dad aan la dooran ay dalka u geysteen dhibaatooyin aad u badan oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, boobka hantida umadda, cadaalad daro iyo wax la mid ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here