Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa ka hadlay sicir bararka waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in sicir bararka iyo qiimaha sarifka lacagta doolarka ee sare u sii kacaysa inay wax ka qabato, waxaanu sidoo kale Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in aanay ka amuusin ee ka gilgishan sicir bararka ka sii daraya.
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye, oo warbaahinta la hadlaya ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada abaareed ee dalka ka taagan, waxaanu ku taliyey in la is caawiyo, la iskuna naxariisto, loona gurmado dadka ay abaaruhu hayaan, ALLE loo noqdo, oo la bariyo, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Waxaan leeyahay oo aan soo jeedinayaa xaaladan waxaynu kaga bixi karnaa in Xukuumadda, Shacab, Axsaab in dhammaan gacmaha la is qabsado, dhinacna looga soo wada jeesto sidii looga bixi lahaa xaaladan qalafsan ee aan wadanka hore u soo marin, ee dadka iyo umaddani ku jiraan, waxaan kale oo Shacabka iyo Xukuumadaba u soo jeedinayaa inay wax ka qabtaan sicir bararkan xadka ka baxay, iyo maceeshadan sii laba kaclaynaysa, iyadoo duruufaha yaala wadanka aynu ognahay, oo aan leeyahay Shicibka marka qaadka lagu kordhiyo cashuurta, ama qaadka la joojiyo waad kacdaan, iyadoo maanta sicirkii lacagtu xadka ka baxay, oo doolarka hawada marayo, maceeshadii la goyn lahayey, xaalada abaareed oo qalafsani dalka ka jiro, waa maxay sababta Xukuumadda iyo Shacabkuba u daawnayaan, iyaga shacabka waxaan leeyahay waar caalamku wuxuu ka kacaa sicir barar ku dhaca, inaguna waxaynu ka diiri lahan nahay, oo ka kici lahan nahay doolar qalaad oo la kordhiyey oo halka uu marayo aanu ognahay, Xukuumadduna aanay maanta wax ka qaban lahaday, yaa u maqan, cidina uma maqna ceelna uma qod taas ayeynu waligeen ku jiri, maxa inoo diiday qiiradii, damqashadii inagoo arkayna halka ay xaaladu maanta taagan tahay oo xoolo dhammaadeen, oo xoolihii la joojiyey oo wakhtigu halka uu marayo aanu ognahay, waa maxay sababta ay dadkeenu u damqan la yihiin ee u kici la yihiin, ee uga kici la yihiin sicir bararkan iyo doolarkan hawada ka baxay, waxaan soo jeedinayaa inay wax ka qabto oo gacan bira ku qabato Xukuumaddu”
Dhinaca kale Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye, waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay iyagu dib iskugu noqdaan, oo ay fikiraan isla markaana la yimadaan sidii ay wax soo saara ula iman lahaayeen, si ay uga baxaan abaarahan soo noqnoqda.