Siyaasi Cabdillaahi Daamur Oo Ku Taliyay In Deeqaha Covid_19 Aan La Marin Jid Khaldan

0
596

Hargeysa (Geeska)- Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay khatarta xanuunka Koronaha ee Somaliland ku sii fidiya iyo kaalmada kala duwan ee Ganacstada iyo Shirkadaha qaar ka geysteen, waxaanu ku baaqay in wixii kaalmo caafimaad iyo lacag ah ee loogu talagay xanuunkan in sidii loogu tagalay aan laga leexin, oo dano sakhsiyadeed aan loo isticmaalin.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay ‘Coronviruska, haddii uu markii hore dadkeenu maqli jireen, oo ay maqli jireen oo qudha wadankaas ayuu dadkiisi ku dhacay, oo intaas oo qof ayuu ku dhacay, intaas oo qofna wey u dhinteen, maanta waa dadkaas oo maalin kasta dad dadkeena ah ayuu ku dhacaya, ee dadku ha is ilaaliyaan, oo aad ha uga digtoonadan halista cudurkan, sida dhakhsaha badan ku faafaya, halistiisa iyo raadka uu ku tagaya ay halista tahay, iyadoo la yidhi ha la kla fogaado ama ha ka la kala durko, ayaa haddana aad mooda inay dadkeenu aanay tallooyinkaas dheg u dhigayn, ee wixii wacyigelin iyo waano ah ha la qaato”

Mar uu ka hadlaayey kharaashadka iyo agabka caafimaadka ee loogu tagalay in lagu caawiyo dadka xanuunka Koronuhu ku dhacayaa yidhi “Dabcan Shirkado iyo Ganacsato iskood isku xilqaamay ayaa jira, oo gacan ka geystay inay bixiyaan lacag iyo agab caafimaad oo ay ugu deeqeen in wax laga qabto xanuunka Koronaha, sidaas darteed kharashka iyo agabka caafimaad ee lagu deeqay yaan dariiqa caamka ah ee loogu tagalay laga leexin, oo yaan sifo sharci daro ah lagu leexsan, qaabka loogu tagalayna ha loo bixiyo”.