Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge Shacbiga Kula Taliyay Ururada la Furayaa Ay Noqdaan Kuwo Dadku U Siman Yihiin

0
808

 

 

Hargeysa(Geeska) –Cabdikariin Axmed Mooge ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay joogaan xiligii ay dhisan lahaayeen ururo nollol u abuura oo aan noqon xisbiyo ay reero iyo shaqsiyaad ay ku suntan yihiin.

Waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay in loo baahan yahay in laga fakaro waxaan doonayno intaynaan doorashooyinka galin isla markaasna aynu haatan u baahanahay nollol iyo midnimo Somaliland dhexdeeda ka dhalata.

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sidan ka sheegay munaasibad buug  lagu soo bandhigaayay waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Hadaad isbadal samaynayso  waxa fiican inaad nollasha umadda aad soo badasho, caruurtaadu iyaga oo wali dugsigii iyo malcaamadii dhiganaaya  waa inuu isbadalku yimaada, inankaaga oo wali jaamacada Hargeysa iska dhiganaaya waa inay jaamacadu isbadasho dabadeedna halka aad baska jaamacada soo raaci jirtay waa inay maxay isku badashaa, bas qurux badan oo dawladu idiin iibisay  oo tilifishanku ka dhex siraadan yahay  oo kursi quruxbadan leh dabadeedna baskaas soo wadaraaca idinka oo siman nollasha ayuu u badalay inankiisa iyo isagaba  laakiin hadii inankiisa ama inantiisu ay horbadasho kaasi adiga nollol kuuguma maqnee isagaa isugu maqan.”

Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu ka hadlay furashada ururada siyaasada “ Ma waxyanu doonaynaa madax iyagu nollol inaga samaysta, mise madax inaga nollol inoo sameeya, ma waxaan u baahanay madax inaga ina wadadhista mise madax qabaa’ilkooda dhista, ma waxaan doonaynaa madax inoo kaydisa oo bangigeena Somaliland inoo buuxisa oo khasnaduu haraaciyaan oo marka aduunku daaqadaa inaga soo wada-xidho aynu nidhaahno uma baahnin aduunkiina  mise waxaan doonaynaa madax iyadu akoonadeeda buuxsata, su’aalahaas adigu is waydii, waana in aqoontaadu ay kala shiishaa oo isbarbar dhig ay samaysaa  oo hufikartaa oo haadin kartaa  dabadeedna aad kala saari kartaa, maalmaha soo socdaa waxay ku xidhan yihiin sida looga faa’idaysto, anigu hada waan arkayaa oo qabyaaladii ayaa toostay durtaba waa la kiciyay ururo reereed ayaa la samaynayaa, hadii Somaliland ay asxaab reero ku dhisan samaysanayso waynu haynaa oo sadexdan ayaa inoo ah sadex ninbaa leh sadex qollo ayay ku suntan yihiin iyaguba hayska joogaan, hadyanu nollol rabno xisbi ay umaddu wadaleedahay oo inankayar ee Saylac jooga iyo ka Laasqoray joogaa ay u siman yihin halahelo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here