Sirdoonka Maraykanka Oo Xaqiijiyay In Xuutiyiinta Yemen Ay Ka Tashanayaan Sidii Ay Hub Siiylahayeen Al-Shabaab

0
71

 

 

Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadlee

 

a la soo gaarsiiyey Soomaaliya, waxayna isku dayayaan in la ogaado in Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiskan.
Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka.
Sirdoonka Maraykanku waxa uu sare u qaaday suurtagalnimada in arrintaan ay ugasii dari karto xaaladda Soomaaliya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Gaza.
Maraykanka waxa uu sheegay in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siin karaan fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurtagalnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.
Waxaa jiray tahriibin joogto ah oo isugu jira hub fudud iyo agab ganacsi oo u dhexeeya kooxo kala duwan oo Yemen iyo Soomaaliya muddo sanado ah. Laakin heshiis hub ah oo dhex mara Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa noqon doona mid cusub, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

n sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee al-Shabaab, iyadoo dowladda Maraykan ay ku tilmaamtay arrin welwel leh oo halis gelinaysa xasilloonida gobolka oo markii horeba rabshado ay ka socdeen.
Saraakiisha ayaa hadda baadigoobaya caddeymo muujinaya in Hubka Xuutiyiin

t