Silanyo Iyo Saleban Miyay Wada Socdaan Mise Way Kala Socdaan?

0
514

Picture3

Haddi anyu dib u jeleecno soyaalka tariikheed ee guurtida S/L waqtiyadi hore dadka badankisu waxey u arkaayeen odayaal dhaqameed ruug cada’ah oo’aan laheyn HAN siyaasadeed , udub dhexaadna u ah xoojinta tiirka kobaad ee J.S.L ku dhisantahey oo ah nabadeynta iyo dib u heshiisinta beelaha/shacabka/axsaabta/dawladda Somaliland iyago adeegsanaya dhaqanka soo jireenka ah ee S/L ku caano maashey  xalinta khilaafaadka ku saleysan wada tashi, isqancin iyo isu tanaasul .

-Haddaba maxa xaalki hore iska beddeley ?

Waxa dhacey :

1- In odayaashi guurtida ee hore, dhawr qof oo da’ah, xanuunsanaaya mooyaane iney badankoodi dhinteen AHN. Waxana bedelay caruurtoodi.

2-In guurtida guuddoomiye u noqdey nin Siyaasi caan ah oo leh han siyaasadeed oo hore ugu tartamay hanashada kursiga ugu sareya wadanka S/L ee madaxweynaha, wa Saleebaan Maxmuud Adan .

3-In muddo kordhin hal sano wax ka badan aan hore loo sameeyn sida tan maanta ee 22 bilood.

4-Guurtida iyo madaxweynayaashi hore oo si muuqda aan marnaba ( publicly) isu khilaafi jirin

Haddaba waxa nasiib darro ah in waajibaadki guurtida ee aynu si kooban kor ku xusney oo ah xalinta khilaafaadka qeybaha kala duwan ee bulshada S/L iney iyagi noqdaan cidda abuuraya khilaadaadka, oo waliba uu hor kacaayo guddoomiyahoodi Saleebaan, kuna gubaabinaayo iney dhegaha ka fuureystaan talo kasta,kuna adkeystaan go’aankoodu hore ee muddo kordhinta 27 April 2017, diidaanna heeshiiska waqtiga doorashada December 2016 ee  ay gaadheen seddexda xisbi qaran ee Ucid,Kulmiye,Waddani iyo xukuumadda Silaanyo oo muran adag ka dhex dhashey marki xukuumadda Silaanyo ku fashilantey in muddo xileedkeedi sharciga ‘aha ee shanta sannadood ku qabato doorashadi madaxweynaha,kuxigeenkisa iyo wakiiladda, taaso mar walba ay ku cel celin jirtey inaaney maalinna waqtigeedi dhaafeyn iyado shacabka S/L u si fican u xusuusanyahey sida adag ee Silaanyo uga soo horjeedey muddo kordhin loo sameeyo Rayaale ,mudaharaad balaadhanna taageerayaashisa u soo saari jirey oo dhimasho iyo dhaawac ka dhici jireen .Haddaba Silaanyo waxba lagama maqal inti Saleebaan murankan bilaabey ,horena waxeynu dadka ku dha dhaw Silaanyo ka maqli jirney inu doonayo laba sannadood oo muddo kordhin ah maadaama ‘aanu geleyn tartanka dambey doorasho .Waxa kalo’ aynu oggeyn in Saleebaan iyo guurtidu diideyn waqtigi doorashada 15 November 2016 ee seddexda xisbi u soo jeediyeen ka hor codeynti muddo kordhinta.Haddaba dabinkan guurtidu ku dhacdey ma farsamoj xumada Saleebaan ba gelisey mise Silaanyo ?..

Haddi murankan la geeyo maxkamadda dastuuriga ah waxa caddaan doona in muddo kordhintan la sameeyey( iyo kuwi horeba ) ay baal marsantahey qodobada dastuurka 42 iyo 83 oo sheegeya in muddo kordhin la sameeyo haddi ay dhacaan dagaal, dhul gariir ,abaaro iyo cudurro faafa alla inugama keene .Halkaana lagu af jaro muddo kordhin dambey oo aan dastuurka waafaqsaneyn.

Waxa xaqiiq ah in Somaliland u bahantahey madaxweyne ixtiraama shuruucda iyo dastuurka dalka haddey tahey muddo xileedkisa sharciga ah ee shanta sannadood,xuquuq al insaanka,saxaafadda bannaan iwm