Sidee Loo Wada Hadlaa?:Prof. Cabdisalaam Yaasiin,

1
784

 

yaasinXidhiidhka adoonweynaha iyo dibloomaasiyadda caalamiga ahi waxay noqotay cilmi jaamaicadaha lagu barto. Isla markaan waa dhaqan soo jireen ah oo leh jidadkii loo marayay, habkii loo dhaqmayay, iyo afkii la adeegsanayay. Wada hadlada dhincayo is hayaa wada hadlayaana waa qayb weyn oo ka mid ah dibloomaasiyadda caalamiga ah.

Hase ahaatee, sidee loo wada hadlaa? Goorma ayuu wada hadalku haboonyay? Goormaanu haboonayn? Su’aalahaasi qayb weyn ayay ka yihiin xidhiidhka dibloomaasiga, iskaashiga, iyo nabadda aduunka.

Sida loo wada hadalyaa waxay ku xidhantahay arrinka laga wada hadlayo. Waxa laga wada hadlayaa: ma dagaal baa, ma nabad baa, ma isu tag baa, ma kala tag baa, ma ganacsi baa, ma iskaashi baa, ma ciyaar baa? Intaasoo arrin mid walba si gaar ah ayaa loo eegaa; loogna wada hadlaa. Ama loo diiidaa in laga wada hadlo.

Lixdankii Somaliland iyo Somalia way wada hadleen; waanay isu tageen iyaga oo shan Soomaaliyeed oo u isu tago u gogol xaadhaya. Sagaashankii, sodon sanadood ka dib, iyo dagaal iyo burbur ka dib, way kala tageen. Somaliland dawlad madaxbaanaan, oo ah tay lixdankii gumaysigii Ingriiska kala wareegtay, ayay samaysatay. Aduunyada se weli may aqoonsan; waxay se ula dhaqantaa inay tahay maamul jira oo habkii iyo dhaqankii dawladnimo leh.

Somalia, 21 sanadood  oo dagaal iyo burbur ah ka dib, dawladii burburtay, oo weli burbursan oo dhincayadii is hayay weli ku dagaalamayaan, ayaa Turki iyo Ingriis aqoonsadeen, iyaga oo arkaya inaan weli dawladda ay aqoonsadeen dalkii Somalia la odhan jiray lixdankii ka hor intiisa badan ka talin. Aqoonsigaa degdega ahana waxay u siiyeen, dawlad aan dalkeedii ka talin intiisii badnayd, waa danahood mid walba u gaarka: hadday tahya mid amni iyo hadday tahay mid ganacsiba.

Waxaynu warbaahinta ku haynaa, oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland sheegay, in dawladda Turkigu bishan Abriil ee aynu ku jirin badhtamaheed wada hadal u qabanayso Somaliland iyo Somalia. Haddii aanu nahay bulshada Somaliland su’aalo ayaanu ka leenahay wada hadalaa.

Turkigu maysagaa isu xil saaray inuu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Somalia?

1. Somaliland iyo Somalia ma waxa uu Turkigu ku dhexdhexaadinayaa inay yihiin laba dhinac oo siman oo wada hadlaya?

2. Madaxbanaanida Somaliland, ee aan gorortanka lahayn, Turkigu ma qaadanayaa?

3. Haddii ay labada dhinac is mari waayin, side Turkigu yeelayaa? Ma wax dhexdhexaadin buu isku deyeyaa, mise halkaasuu kaga hadhayaa?

4. Maxaa se lagu dhexdhexaadin kaaraa? Ma federaalkan ay Somalia doonayso ayaa la wadaa?

5. Somaliland federaalaka ma ogola, sida bulshada iyo dawladduba caddeeyeen, ee Somalia ma ku qancaysaa?

6. Haddii laysku mari waayo wada hadalada, maxaa la yeelayaa?

7. Su’aalaha qaarkood, sida su’aasha 2, jawaabtoodii imikaba weynu haynaa. Somaliland iyo Somalia Turkiga uma sina. Turkigu Somalia wuu aqoonsaday; Somaliland se ma aqoonsan. Wasiirka Kowaad ee Turkiga, Mud. Rajeb Dayib Ordogan, Mogadishu ayuu ka tegay; Somalilandna waxa Turkigu kala masuugay inuu u soo diro Ku-Xigeenka Wasiirka Dibedda. Halkaa waxa ka muuqata inaanay Turkiga Somaliland iyo Somalia u sinayn; Somalilandna u arkaan gobol Somalia ka mid ah. Aduunweynaha kalena sidaasi ayuu ilaa imka inoo arkaa.

Su’aasha maangadka ahi haddaba waxa weeye, xaaladda sidaas ah, ee ay wada hadlayaan laba dhinac oo aan u sinayn cidda ku mariqaaday inay wada hadlaan, sidee ayay uga dhalan kartaa ogolaanshaha madaxbanaanida Somaliland ee aan gorgortanka lahayn? Haddii aan aqoonsiga Somaliland ka dhalanayn wada hadaladaasi, dadka iyo dawladda Somaliland maxay yeelayaan?

Si kastaba wada hadladaasi ha ku dambeeyeene, waxa si cad u muuqda in bulshada Somaliland taagantahay, “Waar yaadha kala quusanee, qoomama la’aada.” Dawladooda iyo xukuumadooduna hakaasi ayuun bay la taaganyihiin, meel kalena uma rari karaan.

Comments are closed.