“Sicir Bararka Dawladda Oo Kaliya Masuul Kama Aha, Ee Bayac-Mushtarkii Baa Qayb Ka Ah”

0
1014

Xildhibaan Axmed-gacan

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa ka hadlay sicir bararka iyo qiimaha sarifka lacagta doolarka ee sare u kacday, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu waajibaadkii looga baahnaa inay wax kaga qabanto aanay kaga qaban, waxaanu xusay in Bayac-mushatarkuna ay qayb ka yihiin, oo Maceeshadii qaali ka dhigeen.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Madaxtooyada iyo loolanka Xisbiyada, waxaanu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in aanay wax dhib ah u geysan dadka oromada ah ee dalka degan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Sicir bararka“Sicir bararka dalka ka jira iyo Doolarkan sare u kacay Dawladda oo kaliya masuul kama ah, ee Bayac-mushtarkii baa qayb ka ah oo qaaliyeynaya, Dhaqaalihiina Dawladda gacanteeda kuma jiro ee Bayac-mushtar buu gacanta ugu jiraa, markaas haddii Bayac-mushtarkii uu lacagtiisii aanu doonayn, oo lacag aanu lahayn doonayo, oo dadkeeniina aanay lacagtoodii  isticmaalayn, Doolar jabaya ma jiro, Lacagtii Doolarka ahaydna uu inagu yar yahay, Qiimaha Sarifka ee sare u kacayna Dawladda oo qudha looma nisbeeynayo, ee dadkaaba ka qayb ah, balse masuuliyaddii dawladdu lahaydna wey ka gaabisay, oo Sicir bararkan dadkii iyo dalkiiba aafada ku noqday waajibaadkii ay Dawladdu wax kaga qaban lahayd wey ka dhega adkaatay, waxaana loo baahna inay Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanku doorkooda ka qaatan, oo waajibkooda ka gutaan, balse taasi may dhicin”.

Xildhibaan Axmed Gacan mar uu ka hadlaayey loolanka Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxaan leeyahay nabadgalyada ha la ilaaliyo, waxaynu haynaa waa nabadgalyo, nabadgalyadaas ayeynu wax ku nahay, Xisbi kastaa si nabadgalyo ah oo wanaagsan ololihiisa ha u galo, laakiin nabadgalyada yaan lagu ciyaarin, Doorashadana aynu nabad ku galno”.

Xildhibaan Axmed Gacan mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “In dadka oromada ah ee dalka jooga in la nabadgalyo oo la ina dhaafiyo weeye,dawladda ayeyna waajib ku tahay inay ina dhaafiso, oo iyada ayaa ku shuqul leh, in dalkeena lagu dhibo, oo wax lagu yeelo maaha, ee inaynu is dhaafino, ayaa haboon, dadkana waxaan leeyahay ha na nabadgalyo oo yaan waxba loo geysan”