Siciid Cali Muuse Oo Ka Hadlay Dib U Dhaca Doorashooyinka

0
624

Hargeysa(Geeska):-Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Md.Siciid Cali Muuse, ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka iyo sida ay u wadayaal hawlaha doorashooyinka ay muddeeyeen.

Afhayeenka Komishanka Somaliland Siciid Cali Muuse oo u waramay Sidiiq Maxamed Burmad oo ka tirsan hay’add warbaahineed oo la yidhaahdo Freepress Unlimited, ayaa waxaa uu ugu horeyn ka xog-waramay hawlaha shaqo ee ay hada wadaan ka Komishan ahaan iyo qaabka ay u wadaan diyaar garawga ku aadan diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee la filaayo in ay bilaabanto bisha Jullaay ee soo socota.

“Hadda waxaanu ku jirnaa qabanqaabadii diwaangalinta,diwaangalinta dadka marka la bilaabayana waxay bilaamaysaa  11julay ilaa 11 November waxa soconaya  diwaangalintii gobolada oo dhan, waa diwaangalintii oo kaliya, ta hore waa qabanqaabadii hadda waxaanu wadnaa kharashaadkii,wacyigalintii ayaanu diyaarinaynaa,qandaraasyadii ayaanu wadnaa,waxaananu waddaynaa illaa Ramadaan soo galayso intaas waa Juun, kadib waxa bilaabanaysa in qofka la diwaangaliyo taasina Jullay ayey soconaysaa, bisha 11aad ayaanu soo saaraynaa liiskii dadkii is diwaangaliyay oo hadhaw xaq u yeelanaya inay codeeyaan.“.Ayuu yidhi Md.Siciid Cali Muuse.

Siciid Cali Muuse, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay xiliga ay ku beegan tahay qabsoomida doorashooyinku, waxaana uu carabka ku dhuftay in marka ay dhammaato diiwaan-galinta codbixiyeyaasha muddo Lix bilood ka dib ah ay dhacayso doorashada Madaxtooyada iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu yidhi;“Marka diwaangalinta dhammaato waa in lix bilood la sugaa inta doorashadu dhacayso oo sharci baarlamaan ayaa odhanaya waa inay lix bilood u dhaxaysaa maalinta liiska la soo saaro iyo maalinta doorashada.”.

Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Siciid Cali Muuse, ayaa ugu danbeyn waxaa uu ka hadlay, cida leh mas’uuliyada dib u dhaca ku yimi doorashooyinka la filaayey in ay badhtamaha sanadkan ay dalka ka qabsoomaan.

“Sidiiq waa ku sidee annaga naguma dhicin,adigu haddii aadan fahmin dadkuna fahmi maayaan, waaniga ku fahansiiyay annagu waxba dib umaanan dhigin ,annagu shaqadda tani inay dhammaato komishankii hore ayaa lahaa, afar bilood ayuu dalku bilaa komishan ahaa,hawsha imika maanan bilaabin ilaa maalintii nala doortay.” Mar la su;aalay talaabada xigtaa waxay noqonayso ayaa yidhi “miyaannu garanaynaa, Illaahay ayaa naga og ,annaga waajibkaygu waa inaan cayino doorashad dabadeedna madaxwaynaha u gudbino annaga taasi shaqadayada maaha.”.