Shirweyne La Filayo Inuu Dhawaan U Furmo Beelaha Gobalka Gabiley

0
693

 

Gabiley(Geeska)-Qaar ka tirsan Dadka ku dhaqan Deegaanada Gobolka Gabiley ayaa Mudooyinkan danbe si-wayn ugu hawlanaa qaban-qaabada Shir-wayne ay iskugu yimaadaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Gabiley, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan Xaalada guud ee Gobolka.

Dadka ku mashquulsan qaban-qaabada Shirka oo Iskood isku xilqaamay, oo Cawaysinkii xalay  Shir-Jaraa’id oo ay u qabteen qaar ka tirsan Warbaahinta ka hawl-gasha Gobolka, ayay kaga dhex dhawaaqeen Xubnaha ay u xusheen Guddidada Qaban qaabada Shirwaynaha Gobolka. Kuwaas oo ka kala kooban Qurbe-joog, Siyaasiyiin, Ganacsato, iyo Hogaamiye dhaqameedyo isla markaana iska dhex xulay Guddi Qaban-qaabo oo ka kooban Todoba Xubnood, sidoo kalena leh Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, iyo Xog-haye.

Shirkaa-Jaraa’id oo uu ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Shirwaynaha Reer Gabiley Axmed Ciidle Axmed oo ka tirsan Qurbe-joogta Reer Gabiley ayaa ugu horreyn ka war-bixiyey ujeedada Shirkan oo uu ku sheegay in ay muddooyinkanba ku hawlanaayeen sidii ay u qaban qaabin lahaayeen Shir-wayne ay iskugu yimaadaan Beelaha Reer Gabiley oo ay kaga arrinsanayaan Xaalada guud ee Gobolka, mida Arrimaha Bulshada iyo sidii ay Shir-waynahaas uga soo saari lahaayeen Go’aano cul-culus oo wax loogu qabanayo Dadwaynaha Reer Gabiley.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Guddida Qaban-qaabada Shirka Shucayb Maxamed Muuse oo ahaa Wasiiru-Dawlihii ugu danbeeyey ee Iskii isku casilay Dabayaaqadii Xukuumadii Daahir Rayaale oo isna Sharaxaad dheer ka bixiyey Isku imaatinka Reer Gabiley iyo muhiimada ay leedahay in Dadku mar kasta ay iskugu yimaadaan si ay uga wada Tashadaan Aayahooda danbe iyo Mustaqbalka Ubadkooda iyo waliba ka deegaankooda.

Waxa iyaguna Goobtan hadallo ka soo jeediyey Xog-hayaha Guddida Qaban-qaabada Shirka Maxamed Geele Seed oo ka tirsan Ganacsatada Reer Gabiley, Iid Xasan Cabdi, oo ka tirsanaa Masuuliyiintii Xisbiga Udub ee heer Gobol iyo C/casiis C/laahi Ismaaciil, oo ahaa Xog-hayihii Xisbiga Ucid ee heer Gobol iyo Xubne kale oo dhamaantood sheegay in ay dhawaan sida ugu dhakhsaha badan u qabanayaan Shir-waynaha Beesha.

Qaban-qaabada Shirkan Reer Gabiley ayaa ku soo beegmay Xilli ay guud ahaan Gobolada Dalka qaarkood ku qabteen Shirwayne ay iskugu yimaadeen Beelaha Qaarkood sida Shirwaynihii Beelaha Galbeedka Burco, iyo Shirwaynihii Beesha Ciidagale ee Hargaysa,  kana uu noqonayo Shirwaynihii Afraad ee Bil-gudaheed ka qabsooma Dalka.