Shirkii Beelaha Arab Oo Shalay Dhammaday Iyo Hadaladii Laga Jeediyay

0
618

arabia

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd lagu soo gunaanaday shirweynihii saddexda maalmood u socday Beelaha Arab ee Afgarad 3. Shirweynaha oo aan siyaasad lagaga hadal, kuna koobnaa arrimaha horumarinta beelaha Arab, waxa xafladii lagu gunaanaday ka soo qayb galay salaadiinta beelaha Somaliland intooda badan, aqoonyahano reer Somaliland ah, dhallinyaro iyo ganacsato,  kuwaas oo khudbado ka jeediyay. Waxaana martida soo dhaweeyay suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale oo ka mid ah madaxdhaqameedka Beelaha Arab.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, oo ah suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awdal oo gunaanadkii shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirka Beelaha Arab iyo qodobada laga soo saaray, waxaanu Suldaan Xasan ka waramay xidhiidhka ka dhexeeya Beelaha Subeer Awdal iyo Arab ee soo jireenka ah, isagoo sheegay in danta labada beelood ay tahay mid isku xidhan oo aan abid kala maarmin, waxaanu sheegay in natiijo kasta oo shirweynaha ka soo baxday ay tahay wanaaga Somaliland iyo Beelaha Subeer Awal, “Waxaan salaan kal iyo laab ah idiinka sidaa Beelaha Subeer Awal ee aan suldaankooda ahay, waxaanan idin leeyahay go’aamada shirkiina ka soo baxay waa kuwo aanu filaynay oo aanu raali ka nahay.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland, ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbad kooban, waxaanu xoolo nool oo dhan 100 awr oo geel ah ugu deeqay jidka isku xidhaya Baligubadle iyo Hargeysa.

Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, oo ah suldaanka guud ee Beelaha  Habarjeclo, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan go’aamada shirka ka soo baxay iyo shirweynahaba.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, oo isna ah suldaanka guud ee Beelaha Habaryoonis, oo hadal ka jeediyay xafladii loo sameeyay xidhitaanka shirweynaha, ayaa ka hadlay sida ay Beelaha Habaryoonis iyo Arab isugu xidhanyihiin ee ay ood-wadaagta u yihiin dhinac walba, waxaanu hoggaankii shirweynaha hagayay ku bogaadiyay sida ay shirka u abaabuleen una gunaadeen turxaan la’aan.

Suldaan Yuusuf Xiirey, oo ah suldaanka Beelaha Isaxaaq, ayaa  wuxuu madasha ka jeediyay khudbad koobnayd balse qiimo badnayd, waxaanu sheegay in Beelaha Habaryoonis ee uu ka soo jeedaa ay taageeri doonaan go’aamada shirka ka soo baxay iyo weliba dhismaha jidka isku xidhaya Baligubadle iyo Hargeysa.

Boqorka Beelaha Ayuub Boqor Cali Xuseen Kaahin, ayaa khudbad ruxday dareenka dadkii shirka fadhiyay halkaas ka jeediyay, waxaanu sheegay in beeshiisa iyo beesha Arab ay waxyaabo badan wadaagaan iskuna xidhanyihin.  Suldaanka Beelaha Toljecle, Suldaan Axmed Daahir Muuse, Suldaan Siciid Maxamed Ducaale oo ka tirsan madaxdhaqameedka Beelaha Habarjeclo iyo boqoka Beesha Magaadle Boqor Maxamuud Sheekh Cismaan Nuur, ayaa iyaguna halkaas hadalo guubaabo ah ka jeediyay.

Ganacsade Cali Cumar Guuleed, oo ah mulkiilaha hoteelka caanka ah ee Guuleed, ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay shirweynaha, qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, isagoo dadweynihii madasha fadhiyay uga waramay qiimaha ay qadiyadda Somaliland ku fadhido, waxaanu sheegay inuu isagu mar walba farxo marka uu arko mid ka mid ah beelaha Somaliland oo midoobay.

Ugu dambayn waxa xafladda soo gunaanaday suldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, oo dhammaan madaxdhaqameedka shirka ka soo qayb galay uga mahadceliyay wakhtiga ay u hureen, wuxuu kale aad ugu mahadceliyay guddigii qaban qaabada shirka iyo hoggaankii shirweynaha hagagayya oo uu tilmaamay inay dedaal muujiyeen.

Ugu dambayn Dr. Maxamed Warsame Ducaale, oo ahaa shirguddoonkii shirka hagayay ayaa halkaas ka akhriyay qodobadii shirka ka soo baxay, oo kala ah:

1-     In jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay Lama taabtaan

2-     In Beelaha Arab ay Kula noolaadaan hab nabad galyo Beelaha ay Ood wadaagta yihiin.

3-     In Beelaha Arab ay nabad galyada ilaaliyaan meel kasta oo Beeshu degto.

4-     In Beelaha Arab ay tix geliyaan is dhex galka Bulshada iyo wada noolaanshaha guud.

5-     In Gudida Guud ee Shirkii Beelaha Arab lagu magacaabay oo ah Gudi horumarineed ay ahaan doonto mid la shaqaysa Madax dhaqameedka iyo Xubnaha Dawlada kaga jira.

6-     In xidhiidh joogto ah Beelaha Arab ka yeeshaan xaaladaha ka jira deegaamada ay Beelaha Arab degaan.

7-     Waxa Shirweynaha Beealaha Arab go,aamiyey in wadada Hargeysa ilaa Baligubadle sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro