Shirkii Beelaha Arab Oo Ka Furmay Baligubadle Iyo Hadalada Laga Jeediyay

0
783

Picture6Hargeysa(Geeska)-Shirkii Beelaha Arab ee Afgarad 3 ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd.Shirkan waxa ka qayb galaya madaxdhaqameedka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, haweenka iyo culimada Arab, waxaanu soconayaa saddex maalmood. Suldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo shirkaas furay ayaa u mahadceliyay ergada kala duwan ee shirka ka qayb galaysa. Waxa uu ku amaanay dedaalka ay la yimaadeen gudida qaban qaabada shirka  beelaha arab, waxaanu xusay in looga baahan yahay isku duubni iyo midnimo in ay muujiyaan, waxaanu yidhi “Hadal badan ugamaan talo gelin in aan madashan ka idhaahdo, waxa aan laakiin ka horeysiisanayaa in aan ku    dhawaaqo furitaanka shirka, dadkeenan ilaahay abuuray qof waliba waxa uu  ku foogan yahay mawduuc. Dadka qaar ayay himiladooda tahay in ay magac yeeshaan, dadka qaarna in ay xaga ilaahay u dhawaadaan, anaguna wanaaga ayaanu ka shaqaynaa hadii aanu nahay odayada. Hadaba waxa aan idiin sheegayaa in shirkeenan afgarad saddex uu maanta  inoo furan yahay” ayuu yidhi. Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Bare Xaaji Xuseen,  Suldaan Maxamed Ismaaciil Foolgaawe, Mayarka Magaaladda Baligubadle iyo xubno kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay oo tilmaamay in ay muhiimad gaar ah u leedahay in shirkan ay beelaha arab ku yeesheen Magaaladda   Baligubadle ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah beesha arab. Waxa isna la filayaa inuu maanta shirka ka hadlo Suldaan Cabdi Suldaan Cali Shagax, oo ka yimid dalka Itoobiya.  Guddoomiyaha Gudida qabanqaabada ee shirka Beelaha Arab Maxamuud Xuseen  Xirsi ayaa faahfaahin ka bixiyay qaban-qaabada shirkaasi ayaa sheegay in ay hawl dheer iyo dedaal badan u soo galeen sidii uu u qabsoomi lahaa shirkaasi, waxaanu yidhi “Runtii shirkan aynu maanta fadhinaa in uu qabsoomo waxa uu u soo maray marxalado kala duwan oo mid waliba ay lahayd waayaheeda, waxaana ilaahay mahadii ah in uu maanta inoo qabsoomay.”

Jaamac Koosaar Axmed, oo isna ka mid ahaa guddiga qaban qaabada ayaa hadal kooban oo soo dhawayn ah shirka ka jeediyay. Marwo Edna Aden Ismaaciil, ayaa shirka ka jeedisay khudbad taabay quluubta dadkii madasha fadhiyay, waxaanay ka hadashay ahmiyada uu shirku u yeelan karo arrimaha horumarka. Sheekh Mubaarak Muuse Oo ka mid ah gudidda gacanta ku haysa wadada baligubadle iyo Hargeysa u dhaxaysa ayaa isna ka codsaday in loo kaco wadadaasi sidii loo dhamaystiri lahaa. Waxa uu amaanay dedaalka ay la yimaadeen dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda  beeshaasi, waxaanu yidhi  “Wadada Magaaladda Baligubadle iyo Hargeysa isku xidhaysaa waxa ay noo maraysaa meel fiican, waxaanan ku talo jirnaa in aanu dhamaystirno hadii alle yidhaahdo.”

Qaar ka mid ah qurbe jooga oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa furitaanka shirka soo dhaweeyay.