Shirkii 5aad Ee Daneeyayaasha Nabada Oo Uu Akadamiga Nabada Iyo Horumarka Hargeysa Laga Furay

0
519

Picture2Hargeysa (Geeska) -Shirkii shanaad ee daneeyayaasha nabada oo ay soo qaban qaabisay Akadamiga horumarka iyo nabada ayaa laga furay magaalada Hargeysa, gaar ahaana Hotel Ambassador iyagoo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala yimi gobolada dalka, hogaanada saddexda xisbi qaran iyo marti sharaf kale. Shirkan shanaad ee daneeyayaasha nabada waxaa si rasmiya u furay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, waxaana ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha Akadamiga horumarka iyo nabada Maxamed Faarax Xirsi, isaga oo ka waramay xog baadhis ay ka sameeyeen mudo laba sano ah guud ahaan gobolada dalka, taas oo salka ku haysay sida uu sheegay saddex qodob oo kala ah tiirka maamul daadejitna, tiirka dimuquraadiyada iyo tiirka dib u heshiisiinta bulsheed.

Gudoomiyaha Akadamiga Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlaayey furitaanka shirka ayaa yidhi “Kullankani wuxuu socon doonaa mudo saddex cisho ah waana qayb ka mida waxyaabaha ay Akadamiyadu qabato, waxaana maanta halkan inala joogaa dhamaan dadkii lixda gobol ka yimi, markaa daraasadan maanta aynu soo bandhigaynaa idinkuna aad ka qayb qaadan doontaa saddexaad mawduuc ee aadka u balaadhan ee aanan halkan ku soo koobi Karin ayey runtii tahay. Muhiimada aynu halkan isugu nimi waxa weeyaan in wixii soo baxa aad doorkiina ku yeelataan, isla markaana waxyaabaha mudan in wax laga qabto aad noo tilmaamtaan Akadami ahaan oo aanu noqon wax aanu iska macmalno, kullankii kan la midka ahaa ee aanu qabanay 2010-kii waxaa ka soo baxay saddex qodob oo aanu ku guulaysany in aanu wax ka qabano, waxaa ka soo baxay shuruucdii doorashooyinka in wax laga badelo oo wakhtigaa wax ka bedel weyn u baahnaa si doorashadii 2012-kii u qabsoonto, waxaa ka mida in aanay Somaliland siyaasada hagaysa maamul daadejinta, arrinta saddexaad waxay ahayd booliska Somaliland sidii loo aas-aasay muu lahayn xeer boolis, waxaana lagu guulaystay in la sameeyo xeer boolis kii ugu horeeyey”

Shirkan waxaa sidoo kale ka hadlay asxaabta siyaasada ee Somaliland, waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay in Somaliland haatan dhanka qabyaalada marayso meel aad u liidatay, waxaanu Akadamiga ku amaanay doorka ay had iyo jeer ka qaataan ka shaqaynta arrimaha nabada iyo horumarka.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna madasha ka hadlay ayaa ka marag kacay in nidaamka xisbiyada ee Somalilad uu wali salka ku hayo habka qabyaalada iyo beelaha, waxaanu sheega  in wali dhanka dimuquuraadiyada wax badan Somaliland u dhiman yihiin.

Gudoomiyha xisbiga waddani Cabdiraxmaan Ciro oo isna shirkaasi furitaaniisa lahaa ayaa aad ugu dheeraaday sidii loo hir gelin lahaa fulinta diwaangelinta, taas oo uu sheegay inay ku xidhan tahay doorashada, isgoo si gaara carabka ugu dakeeyey helitaanak diwaangelin cadaalada.

Ugu dambayntii shirkan ayaa lagu wadaa in labada maalmood ee fooda inagu soo haya lagu soo afmeero magaalada Hargeysa.