Shirkadda SOMTEL oo soo Bandhigtay wejigii koowaad ee barnaamijka ku Guulayso 5,000 oo abaalmarinood iyo Macaamiisha abaalmarinta la guddoonsiiyey toddobaadkan oo dhammaa 250 macmiil.

0
949

Hargeysa (Geeska) – Gaadhiggi ugu horreeyay iyo Hadiyado kale oo Goobta lagu bixiyey Hargeysa Shirkadda hormoodka isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa bixisay qaybtii koowaad ee abaalmarintii ay ugu magacdartay (ku guulayso 5,000 oo abaalmarinood) taas oo ay usoo bandhigtay macaamiisheeda.

Abaalmarinta ay shirkaddu bixisay isniintii toddobaadkan ayaa dhamayd 250 ka mid ah abaalmarinada ay ugu talogashay macaamiisheeda.

Munaasibad ballaadhan oo ka qabsoontay garoonka kubadda kollayga ee Timacadde ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay qaar ka mida wasiirrada xukuumadda Somaliland iyo macaamiisha Shirkadda Somtel.

Madaxa suuqgaynta ee Somtel Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi, ayaa ugu horreyn faahfaahiyey ujeedada shirkadu ka leedahay abaalmirinada ay usoo bandhigtay macaamiisheeda “Sanadkan 2020 bishii 7aad  11-keedii waxa aanu soo bandhignay 10 gaadhi oo cusub oo ah Hyundia, waxaanu soo bandhignay hadiyado kala duwan oo ay ka mid yihiin, Dahab,Tv-yo, telefoono oo ay ka mid yihiin alaabo kala duwan oo bulshada aanu ugu talogalnay in aanu wax anfaca ku celino, si macaamiisha aanu u tusno in hawshaasi bilaabantay isla markaana u rumayno ballanqaadkii ahaa 5000 oo Hadyadood, waxa aanu maanta oo ah toddobaadkii u horreeyayba aanu halkan ku bixinaynaa, waa gaadhigii Koobaad oo aad aragtaan waxyar kadibna waxa wareejindoona Serverka Shirkadda waxana ku Guulaysandoona qof ka mid ah macaamiisha Somtel, abaalmarintu intaas uun kuma koobnaanayso, waxay noqon doontaa toddobaadle oo toddobaadkasta waxa aanu soo bandhigi doonaa abaalmarino intaas leeg oo ah 250 hadyadood oo aanu ugu talogalnay macaamiisha ilaa iyo inta laga gaadhayo dhammaadka shanta kun (5,000) ee abaalmarinood ee aanu doonayno inaanu macaamiishayada aanu siino todobaadada soo socda” Ayuu yidhi Khadar Cabdiraxmaan oo ah madaxa suuqgaynta ee Somtel

Waxa isna halkaasi ka hadlay Mawliid Maxamed Cumar oo ka mid ah Boodhka shirkadda Somtel waxaanu ugu horreyn u mahadnaqay macaamiisha shirkadda Somtel isagoona sheegay abaalmarimaha ay shirkaddu bixinayso in aanay tan oo kaliya ku eekaan doonin balse ay sannadkasta barnaamij sidan oo kale ah u samayn doonaan macaamiishoodo. “Waxaan jecelahay marka hore inaan halkan uga mahadnaqo macaamiishayada sharafta leh oo aanu doonayno inaanu u dhawaano, isla markaana aanu cadayno in shirkadda Somtel ay macaamiisha wax ka qaadato oo ay ku soo celiso, waxaanu diyaar u nahay inay iyaguna nala shaqeeyaan. Isha Allah waxa aanu rajaynaynaa sanadaha soo socdana in aanu uga sii kordhino si macaamiishayada aanu intan uga soo dhawaano.” Ayuu yidhi

Waxa isna halkaasi ka hadlay madaxa waaxda ganacsiga ee shirkadda Somtel, Isagoona sharaxaad ka bixiyey abaalmarinta iyo qaabka ay u bixinayaan, waxaanu yidhi; “Waxa la bixin doonaa wiig kasta laba boqol iyo konton abaalmarinood, bil kasta waxaanu bixin doona kun abaalmarinood, waxaanay soconayaan ilaa bisha December, markaa hadiyaduhu waa shan kun oo hadiyadood, laba wiig oo kastana waxaa la bixin doonaa Gaadhi, lacag baa ka mida, qasaaladaa ka mida, hadiyadaha aanu bixinaynaana wax kale maaha ee wixii aanu macaamiishayada ka faa’iidnay baanu dib ugu celinaynaa.” Ayuu yidhi

Cabdinaasir Daa’uud, Guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Somtel oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa madasha kaga dhawaaqay inay furayaan Share-kii ama saamigii dadweynaha oo shirkaddu u diyaarisay dhammaan macaamiishu in ay ka qaybqaataan. “Maanta shirkaddu waxay halkan kaga dhawaaqaysaa in la furi doono sheerarkii public-ga ahaa oo loogu talogalay inay ka qaybqaataan bulshada Somaliland oo dhan meelaha ay kala joogaan, dadka hoose, dadka hayntoodu dhexe tahay iyo dadka hayntoodu sarayso intuba inay ka qaybqaadan doonaan, share-kaasi wuxuu inoo furmayaa sannadkan cusub buu ku bilaabmi doonaa, intaa ka horaysa waxa la bilaabi doonaa shares-kii oo la qoran doona iyo document-yadii iyo shuruudihii loo baahnaa, insha Allahu shirkadu waa shirkada dadweynaha, waxay ugu talogashay in mujtamaceeda ay kusoo celiso.

Wasiirrada wasaaradaha Diinta & awqaafta, ganacsiga, isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda oo halkaasi hadalo ka jeediyey ayaa u mahadceliyey shirkadda Somtel oo ay ku amaaneen sida wanaagsan ee ay macaamiisheeda wax ugu celinayso.

Gabogabadii waxa goobtaasi lagu bixiyey, isla markaana guulaystayaasha la guddoonsiiyey abaalmarintii ay ku kuulaysteen ee ay shirkadda Somtel ugu talogashay macaamiisheeda waxaana ka mid ahaa Gaadhi cusub oo bacdii leh waxaana ku guulaystay Sakariye Xasan Jaamac oo lambarkisu yahay 0659732152 kana mid ah macalimiinta Quraanka ee madarisadda Sacaada oo ku taala magaalada Hargeisa iyo Khadiija Cabdi Diiriye oo ku guulaysatay Dahab lambarkeeduna yahay 0654322439 iyo Guud ahaanba 250 Macmiil oo ku guulaystay Abaalmarino kala duwan oo qaali ah.

Geeska.net/Hargeisa Office