Hargeysa(Geeska) :-Shirkadda socdaalka goballada Somaliland ee SALAAMA(Salaama City Bus), ayaa ku dhawaaqday in ay qiimo dhimis aad u ballaadhan ay ku samaysay qiimaha adeegyadii kala duwanaa ee ay u qaban jirtay macaamiisheeda u kala goosha goballada dalka tobanka danbe ee bisha Ramadaan iyo ayaamaha yawmul ciidka ee fooda innagu soo haya awgood, waxaana ay ugu bushaaraynaysaa dhammaanba macaamiisheeda iyo bulshada Somaliland in boqolkiiba Afartan 40% qiimo dhimis ah ay ugu samaysay adeegyaddii socdaalada ee ay u qaban jirtay macaamiisheeda kala duwan.
Madaxa suuq-geynta iyo iibka ee shirkadda socdaalada goballada ee SALAAMA Mudane Axmed Haybe Maxamed, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta shirkadda SALAAMA ee magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale sheegay in qiimo dhimis weyn ay ku sameeyeen gawaadhida sida gaarka ah loo kireysto ee loo yaqaano Ingeydhka, isaga oo sheegay in ay iyana qiimo dhis dhan boqolkiiba soddon 30% ay ku sameeyeen gaadiidka Ingeydhka ah.
“Shirkadda SALAAMA, waxaa ay macaamiisheeda sharafta leh iyo dhammaanba bulshada Somaliland ee ay u adeegto ay ugu bushaaraynaysaa in ay qiimo dhimis weyn ay shirkaddu ku samaysay adeegyaddii ay u qaban jirtay, anna oo ka duulayna bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana aanu boqolkiiba afartan 40% ku samaynay adeegyaddii aanu u qaban jirnay ee socdaalada, taas oo u dhiganta in aanu qiimahii hore loogga qaadi jiray socdaalada Hargeysa ilaa Burco oo ahaa todoba Dollar $7, annaga oo hada ka dhignay qiime aad u jaban oo aanu ugu danaynayno macaamiishayada kala duwan oo iyana ah shan Dollar $5, waxa kale oo iyana noo wehelisa in sidaas oo kale Hargeysa ilaa Berbera laga qaadi doono hada saddex dollar $3, Hargeysa ilaa Sheekh iyana aanu qaadi doono $4, Waxaa kale oo aanu ugu bushaaraynaynaa in aanu iyana qiimo dhimis aad u weyn aanu ugu samaynay gaadiidkii sida gaarka loo kiraysan jiray ee Ingeydhka oo aanu iyana ka dhignay qiimo dhimis dhan boqolkiiba soddon”.Ayuu yidhi Axmed Haybe Maxamed.
Md.Axmed Haybe Maxamed, waxaa uu sida oo kale sheegay in ay kor-u-qaadeen adeegyaddii kala duwanaa ee ay u qaban jireen macaamiishooda iyo dhammaanba bulshada Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in shaqaale aad u hufan oo si fiican ugu adeega macaamiisha looggu diyaariyey xafiisyada shirkada SALAAMA, sida oo kalena ay u diyaarisay gaadiid tayo leh iyo wade-yaal xirfadooda darawalnimo ay aad u sarayso, isaga oo sida oo kalena tilmaamay gaadiidka shirkadda loo asteeyey in ay wakhti sugan oo ka dhaqaaqayaan aroor walba xafiisyada shirkadda SALAAMA ay ku leedahay goballada dalka.
Shirkaddan socdaalada goballada dalka ee SALAAMA oo hada jirtay muddo ka yar hal sanno, ayaa waxaa ay guud ahaan dalka ku soo kordhisay adeegyo aad sareeya iyada oo ay bulshada Somaliland u riyaaqeen hawlaha adeeg ee ay fuliso, waxaana ay caan ku tahay basas tayo iyo taxaaba leh oo ay ka mabsuudeen dhammaanba shacabka Somaliland oo wakhti sugan ugu kala goosha dhammaanba goballada dalka.