Shirkadda SBI Oo Gacan Weyn Ka Gaysaty Biyo Gaadhsiinta Hargeysa

0
525

Picture3Hargeysa (Geeska) – Shirkadda sharaabka ee SBI COCA COLLA, ayaa gacan weyn ka geysatay mashruuc biyo galineed oo Wakaalada biyaha Hargeysa ka hirgalisay Xaafadda Sheekh Cumar ee Koonfurta Galbeed ee Magaalada Hargeysa, mashruucaasi oo socday 7 bilood ku siman, taas oo ka tirsan degmada Cabdi Iidaan.

Mashruucan biyaha lagu gaadhsiiyay xaafaddaas, oo ay ku baxday adduun ka badan lix boqol oo kun oo dollar, ayaa shirkadda SBI COCA COLLA bixisay $ 1,22000 doolar oo ka mid ah [Boqol iyo laba iyo labaatan kun oo dollar], waxayna shirkadaasi sidoo kale balan-qaaday inay sii wadayso gacan ka geysashada daboolida baahiyaadka dadwaynaha reer Somaliland.

Madaxa shirkadda SBI COCA COLA ee Somaliland, Mudane Mustafe Cismaan Geelle, oo shalay ka hadlayey Munaasibad uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland xadhiga kaga jaray Mashruucaasi oo ah kii ugu horeeyay ee Wakaaladda biyaha Hargeysa fuliso muddo dheer, ayaa yidhi “Sharaf weyn ayay noo tahay haddii aanu nahay shirkadda Coca Colla, waxaan filayaa waxay ahayd lix bilood ka hor in Madaxwayne ku xigeenku hawsha oo ka socota Xaraf uu noo yimid isaga iyo Maareeyaha Wakaaladda biyuhu, ILAAHAY baa mahad leh, waxaan u malaynayaa inaanu saddex bilood ka soo hor-marnay mudadii loogu talo-galay in mashruucu dhamaado, qorshuhuna wuxuu ahaa in Mashruucani dhamaado February 2014-ka, taana waxa Mahaddeeda leh Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis iyo kooxda ka socota Hay’adda TS oo aad iyo aad u dedaalay”.

Mustafe Cismaan Geelle, waxa kale oo uu ka waramay “Haddii aan si kooban idiinkaga waramo shirkadda COCA COLA iyo barnaanijyada ay Afrika kaga caawiso biyaha Nadiifta ah, saddex sanadood shirkadda  COCA COLA waxay bilowday mashruuca la yidhaahdo (RAIN) oo lix sanadood soconaya, 30 Milyan oo doolar ayaa shirkadda COCA COLA iyo warshadaheeduba u balan qaadeen inay Afrika ku caawiyaan, 30-kaa Malyuun oo doolarna waxaanu rejaynaynaa nuu dhalo 2 Malyuun oo dad ah oo Afrika ku nooli inay helaan biyo nadiif ah lixdaa sanadood gudahood” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Mashruuca laga hirgaliyey Xaafadda Sheekh Cumar ee degmada Cabdi Iidaan, waxa ku baxay lacag ka badan 600.000 doolar, shirkadda COCA COLA waxay bixisay 1,22000 doolar, waxaanan qiyaasayaa marka la isku daro xaafadaha Sheekh Cumar, Ayax 1, Ayax 2, Ayax 3, inay biyahan ka faa’ideysan doonan dad aanu ku qiyaasnay ilaa 50.000 qof, waxaan aad iyo aad ugu Mahadnaqayaa hay’adaha iyo dawladda Somaliland oo qayb libaax ka qaadatay hirgalintii mashruucan, haddii aanu nahay COCA COLA, waxaanu ku rejo weynahay inaanu halkaa ka sii wadi doono haddii ILAAHAY yidhaahdo”