Shirkadda SBI Ee Waddaniga Ah Oo Lacag Ku Wareejisay Xarumaha Dhimirka Iyo Agoomaha Ee Dalka

0
600

Picture4Hargeysa(Geeska)- Shirkada Sharaabka ee Somaliland Beverage Industries(SBI), ayaa lacag ugu deeqday  Xarumaha Agoomaha  iyo Dadka Dhimirka wax ka qaba ee Gobolada dalka oo dhan iyo maamulka Puntland ee Somaliya, iyada oo Lacagta  Shirkada SBI ugu deeqdayna ay tahay  Afar iyo Toban  Kun iyo Saddex Boqol oo Doolar, Lacagtana waxa ay ka soo baxday Barnaamuj bilawgii Ramadaan Shirkada SBI ku dhawaaqday oo ahaa Cab oo Sadaqadayso, iyada oo qof kasta oo iibsada ama caba xabad sharaab ah oo SBI uu Konton Shilin oo ka mid ah Lacagta uu bixiyo Xarumaha Agoobaha  iyo Dadka dhimbirka wax ka qaba looga jaraayey.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Shirkada SBI ee Magaalada Hargeysa  ee Shirkadu ku soo bandhigtay Lacagta deeqda ah ee ay ugu talagashay Xarumaha Agoobaha iyo Dadka dhimbirka wax ka qaba ee Gobolada dalka oo dhan ayaa waxa ka soo qeyb galay madaxa Shirkada SBI Mustafe Cismaan Geele, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Culimo iyo qaar ka mid ah Maamuleyaasha Xarumaha Lacagtan la gudoonsiinayay

Mustafe Cismaan Geele oo isagu ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay ayaa Sharaxaad ka bixinayey Lacagta Shirkadu ugu tala gashay Xarumaha dadka Dhimirka wax ka qaba iyo Agoomaha waxaanu  yidhi “ Bishii Barakaysayd ee Ramadaan bilawgeedii, halkan ayaanu idinku  casuunay, Wasiirka Diinta iyo Awqaaftuna wuu inagala soo qeyb galay, Bisha Ramadaan waxa ay Shirkada SBI ku dhawaaqday in Shirkadu Konton Shilin iska jarayso Caagad walba oo Sharaab ah oo la iibsado Bisha Ramadaan, uguna deeqayso Xarumaha Agoomaha ee Somaliland iyo Puntland ku yaala iyo Xarumaha lagu hayo dadka Maskaxda ka xanuunsanayaa, Barnaamujkii waanu ku guuleeysanay, runtiina  Sharaabka la Iibiyay Bishii Ramadaan, Intii aanu filaynay iyo inka badan ayuu noqday, lacagta runtii laga ururiyay Somaliland iyo Puntland-na waa Lacag fiican, waxna u taraysa Xarumahaas loogu tala galay ee Agoomaha iyo Dadka Dhimirka wax ka qaba. Kontonkii Shillin, markii la ururiyay Lacag fiican ayay noqotay, Afar iyo Toban  Kun iyo Saddex Boqol oo Doolar ayay isku noqotay Lacagtii 29-kii Cisho ee Ramadaan aanu ururinay.”

Mustafe Cismaan Geele oo ka hadlaya sida Goboladu u kala heleen Lacagtan Caawimada ah ayaa yidhi “ Hargeysa Qaybteedii waxay noqotay Shankun oo Doolar oo loo qaybin doono Dhakhtarka dhimirka iyo Xarunta Agoomaha, Boorama Laba kun oo Doolar ayay qeybtoodii noqotay,Burco Saddex Kun Dollar Berber, Laascaanood iyo Ceerigaab min kun, Boosaaso oo Puntland ah  kun, Markaas intaasi ayay isku noqdeen,”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo Munaasibadaasi ka hadlayay ayaa ku waramay muhiimada ay leedahay Sadaqadu iyo sida ay Quluubta dadka Baahan u dhisayso Barnaamijka SBI Somaliland ka samaysay markii ugu horeeysay, waxaanu yidhi “ ILLAAHAY Sadaqadaasi ina Waafajiyay, Islamarkaana Sabab uga dhigay Shirkaddan SBI ayaynu ugu mahadnaqaynaa. Shirkadan oo aynu Ognahay Dadaalka ay ugu jirto Bulshada oo ay dhaqaalahodii Ilaalisay, Lacagtii dalka Dibadaha uga baxaysayna Bulshada u Kaydisay ee Dalkii uga samaysay Warshad iyo Runtii Shirkadaha la midka ah ee Dhaqaalaheenii inoo kaydiyay waxaynu leenahay wax weyn ayay dalka u qabteen. Waxay waliba SBI inoogu dareen Shay Aad u wanaagsan oo dhinacna Kaalmo ka ah, dhinacna ka ah Suuq gayn, waxaaba Shirkada kula talinaya inay sii wado barnaamujkan, oo aanay halkaas kaga hadhin”

Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah Culimada Dalka, oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa  mahadnaq balaadhan iyo Duco u soo jeediyey Shirkada SBI, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida wacan ee dadka aadka u talaabalaysan wax ugu tarayso, una caawinayso.

Sheekh Maxamed Ismaciil Khayre (Aw-libaax), oo isna hadal kooban ka jeediyay Munaasibada ayaa sheegay in Deeqdan la gaadhsiiyay dadkii ku haboonaa. Waxa uu Shirkadda SBI u soo jeediyay inaanay joojin Barnaamijkan oo uu tilmaamay inuu Shirkaddana Suuq gayn u yahay oo dadku ku dhiiranayaan marka la yidhaahdo Sharaabka aad Iibsatay ayaad sadaqana kula baxday. Waxa uu ALle ugu Baryay inuu Shirkadda SBI Maalka u barakeeyo.

Ugu Dambayntii Masuuliyiinta Xarumaha Agoomaha iyo Dhimirka ee Lacagtan la guudsiiyay, siiba Masuuliyiinta Xarumaha Hargeysa iyo  Boorama oo Goob joog ahaa ayaa waxay aad uga mahadnaqayeen uguna farxeen Deeqda la gudoonsiiyay, iyagoo sheegay inaanay Marna Shirkad Ganacsi ka filayn deeqdan oo kale balse Hay’addaha ay Deeq weydisan jireen, waxayna Shirkada SBI uga mahadnaqeen sida wanaagsan ee ay u caawisay Dadka Dhimbirka wax ka qaba iyo Xarumaha Agoomaha, waxayna sheegeen inay iyana si cadaalad ah u bixin doonaan Lacagtan lagu wareejiyey.

Dhinaca kale iyada oo Shirkada SBI ay Lacagtan deeqda ah u wareejiysay Masuuliyiinta Xarumaha Agoomaha iyo Dhimirka ee Hargeysa,  iyo Boorama, ayaa Xarumaha Gobolada kalena Shirkaddu Maanta oo Sabti ah ku wareejin doonta Deeqda la siinayo.