Shirkadda ORACLE Oo Xarun Ka Furatay Magaalada Hargeysa

0
672

Picture2Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Oracle oo Somaliland kala shaqayn doonta ururinta macluumaadka (Data base system) ayaa shalay si rasmi ah looga furay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Furitaankii shirkadan wax ka qayb galay madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo tiknoolajiyada Cali Xaamud Jibriil, wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, saraakiil ka tirsan shirkadan iyo ganacsato kala duwan.

Ugu horayn waxa furitaankii shirkadan ka hadlay Cumar Duwaale oo ah maamulaha shirkadda MEGA oo ah wakiilka Djibouti ee Oracle  iyo Hodan Maxamed oo ah maamulaha shirkadda Oracle ee bariga Afrika. Waxay labadan masuul ka warameen faa’iidada ay shirkadan Oracle u leedahay Somaliland iyo meelaha ay ka caawin karto, iyagoo sheegay in shirkadani faa’iido badan u soo hoyso wadamada ay xarumaha ka furato, waxaanay tilmaameen inay doorkan wax weyn ku soo kordhin doonaan Somaliland.

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud Jibriil oo munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkadani faa’iido u keeni doonto dalka Somaliland iyo nidaamkiisa macluum ururineed.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Cali Axmed ayaa sheegay inay ka maxkamad ahaan baahi u qabaan nidaam lagu ururiyo macluumaadka dacwadaha maxkamadaha yaala. “Dacwadihii dhammaaday ee intaas oo sannadood wadanka yaalay inta la qaabeeyo oo xafiisyo loo curiyo ayaa loo baahanyahay, markaas waa  in marka dambena software loo bedelo markaas data base system ayaa loo baahanyahay.” ayuu yidhi qareen Aadan oo qiray in dalku shirkadan u baahanyahay.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici ayaa ugu dambayn soo gunaanaday munaasibadaas, waxaanu soo dhaweeyay shirkadaas oo uu u sacabo tumay, isagoo xusay in wadanku baahi u qabo.