?Hargeysa(Geeska):- Maareeyaha Shirkadda Duubista iyo soo saarista, Aroosyada, Meherrada, Xayeysiisyada, Documentary-yada, Film-yada, Muxaadirooyinka,Tafsiirka Qur’aanka, iyo Axaadiista ee JAAHUUR Top Design (JTD) Studio Cabdikariin Jaahuur Muxumed ayaa markii ugu horeysay shaaciyay inay noqdeen Shirkadda ugu horeysa dhinaca duubista Aroosyada iyo Meherada oo ay maalintii cel-celis ahaan duubaan laba Aroos iyo Saddex Meher oo kala duwan oo Magaalada Hargeysa dhaca, isla markaana waxa uu ku dooday inay qeyb laxaad leh ka qaataan dhismaha qoys cusub yagleelidiisa. Maareeyaha Shirkadda Duubista iyo soo saarista, Aroosyada, Meherrada, JAAHUUR Top Design (JTD) Studio Cabdikariin Jaahuur Muxumed waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay u waramayay Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale). Mar la weydiiyay Maareeyaha Shirkadda JAAHUUR Top Design Studio Cabdikariin Jaahuur goorta la aasaasay waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa Website-yada Hayaannews.net oo aan nasiib u helay inaan wareysi siiyo, Shirkada JAAHUUR Top Design Studio waxaan asaasnay 8/12/2012 oo waxa ila aasaasay Caawale Ibraahim Cawaale (Cawaale Yare),waxaana fikirka nagu dhiirigeliyay Yaasin Ciise British,Sidaas ayaanan ku sameynay Shirkadda JAAHUUR Top Design,ILAAHAY-na waa nagu guuleeyey,waxaanu nasiib u helnay laba arrimood, mida kowaad waxa weeyaan inaanu maanta noqonay Shirkadda ugu weyn Somaliland dhinaca duubista Aroosyada iyo Xafladaha, Tusaale ahaan wakhtiyada qaar ayaa waxa dhacda inaanu adeeg siino in ka baddan 10- Xafladood, kuwaasoo ka dhacaya guud ahaan waddanka gudihiisa iyo dibadiisa, waxayna isugu jiraan Aroosyo, Shirar, Casuumado, iyo weliba sida caaddada inoo ah xaflado baddan oo wakhtiyada qaar qabsooma, maadama aanu khibrad dheeraad ah u leenahay duubista iyo qurxinta waa la sii buukin-gareystaa, dabcan ILAAHAY mahaddii hawl-weyn ayaan qaranka u haynaa waxaanu qeyb ka qaadana dhismaha Qoys cusub yagleelidooda oo aakhira iyo ifka-ba waanu ku liibaanaynaa. Waxaanu noqonay Shirkada ugu horeysa dhinaca duubista Aroosyada iyo Meherada, oo tusaale ahaan Maalintii waxaanu duubnaa laba Aroos iyo Saddex Meher oo meelo kala duwan ka dhacaya waana ILAAHAY mahaddii inaanu qeyb ka noqono dhismaha qoys cusub”. Sidoo kale,Mar la weydiiyay Cabdikariin JAAHUUR nooca xafladaha ay duubaan waxay yihiin?Waxa uu ku jawaabay “Xafladaha aanu duubno waxa ka mida, Xafladaha Aroosyada, Meherada,Xaflad Sagootin,Xaflad Fijaano, Xaflad Afartan Bax, Xafladaha dhalashada,Xaflad Qaaciya,Xaflad soo dhaweyna, Xaflad Caleemo Saar,Xaflad Shirar,Xaflad Is-barasho,Xafladaha 18-ka May, Xafladaha Ciidaha Iyo Weliba tartanka Qu’aanka Kariimka,Muxaadirooyinka iyo wixii la midka ah.taasoo ay halkan diyaar idinku yihiin shaqaale khaas u ah fulinta adeegyadan,kor ku xusan oodhan.kuwaas oo shaqaalaha qaar ka midi wax ku soo barteen Jaamacado dalka dibadiisa ah, halka laba ka midini ay yihiin macalimiin wax ka dhigta gudaha Shirkadda JAAHUUR Top Design And Studio (JTD Studio).Waxa kale oo aanu bixinaa adeegyada Xayeysiisyada oo way kala duwan yihiin, annaga oo tix-raacayna, isla markaana tix-gelinaynana shakhsiga xayaysiiska loo sameynayo, waxaanu si hufan ugu soo bandhignaa noocyada kala duwan ee xaysiis ee aanu sameyno, iyada oo ay intaa u dheer tahay inaanu dadka ka caawino Qurxinta (Decoration),Fanaanka xayeysiinaya, Sameynta ereyo murti leh, qaabeynta Sameynta Xayeysiisyada. Annaga oo ka caawin doona cidda aanu xayeysiiska u sameyno Warbaahinta ay doortaan inay xayaysiiskooda ka si daayaan.” Waxa kale oo aanu weydiinay Maareeye CabdikariinJaahuur tirada Shaqaalaha u shaqeysa? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi“Waxaana noo shaqeeya 15-qof oo joogto ah iyo 5-Tembereeri ah, isu geyntooduna waa 20-qof,kuwaas oo isugu jira Camera-Man, Sawir-qaade, Light Man, Editing, Soo Saare iyo wixii la midka ah.”