Shirkadda Genel Energy Oo Si Rasmi Ah U Cadaysay Sababaha Ay Shaqaalaheeda Ugala Baxday Somaliland

1
549

Picture8Ankara(Geeska/WSJ)-Shirkadda Genel Energy ee hawlaha sahaminta shidaalka ah ka waday gobalka Togdheer ee bariga Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadashay sababaha ku kelifay inay ka baxdo Jamhuuriyadda Somaliland.

Afhayeen u hadlay shirkadan oo shalay u waramay Wargeyska caanka ah ee The World Street Journal, ayaa sheegay inay shirkadu Somaliland uga baxday sababo la xidhiidha arrimaha ammaanka oo uu sheegay inuu xumaaday. “Xaaladaha amniga ee sii xumaanaya dartood, ayaanu si ku meel gaadh ah u joojinay hawlgalladayadii shidaal sahaminta.” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka shirkadda Genel Energy. Waxaanu Wargeysku intaas raaciyay inaanay u suurtogelin inay war ka helaan dhinaca dawladda Somaliland.

Shirkadda Genel Energy, oo hawlaha sahaminta shidaalka ka  waday gobalka Togdheer, ayaa shaqaalaheedii kala baxday wadanka, iyadoon soo saarin wax war ah. Sidoo kale waxa ay magaalada Berbera keentay qalabka lagu qodo dhulka ee loogu tallo galay sahaminta shidaalka, iyadoo baabuurtii ay lahaydna ku soo xaraysay magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa Axadii golaha wakiilada u sheegay inaanay jirin sababo amni darro oo ay shirkadaasi wadanka uga baxday.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa soo noqnoqayay khilaafaad u dhexeeyay shirkadda iyo dadka ku nool deegaanada ay sahaminta ka waday, waxaana dhawr goor dhex gashay xukuumadda. Dadka deegaanka ayaa ku doodayay inaanay shirkadu siinin saamiga shaqaale ee ay xaqa u leeyihiin.

Si kastaba ha ahaate, shirkadda Genel Energy, ayaa u muuqata inay ka baxayso dalka, waxaanay wararka aanu helaynaa sheegayaan inaanay weli xukuumadda u soo dirin wax warbixin ah oo la xidhiidha sababaha hakad ku keenay hawlahoodii shaqo ee sahaminta shidaalka dalka.

Comments are closed.