Shirkadda Asal Oo Xalay Soo Bandhigtay Buug Lagu Ururiyay Xusuus Qorkii Dr. Gees

0
655

Hargeysa (Geeska)-Prof: Maxamed Siciid Gees,ayaa buug uu qoray oo lagu magacaabo Dharaaro Xusuustood, lagu soo bandhigay Magaalada Hargeysa. Buugan waxa daabacday shirkadda daabacadaha ee casriga ah ee Asal.

1

Buugan oo ka waramaya marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland, wakhtigii ay gobonimada qaadatay, midawgii ay la midoowday Somaliya, halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo waayihii kala duwanaa ee dalku soo maray ayaa xalay lagu soo bandhigay Mansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibada lagu soo bandhigay Buugan ayaa waxa soo agaasintay Shirkada daabacada ee Asal oo iyadu buugan daabacday, waxaana ka soo qayb galay qoraaga Buuga Prof:Maxamed Siciid Gees, Musharixiinta saddexda Xisbi Qaran, Maayarka Caasimadda, Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed,Abwaano,Qorayaal, Dhalinyaro iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Sheekh Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Xasan Rakuub, oo ka tirsan Shirkada buugan daabacday ee Asal, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Shirkada Asal ay Buugan oo macluumad aad u fara badan huwan ay daabacado, waxaanu xusay in Buugani leeyahay faa’iidooyin aad u badan, oo aan la soo koobi Karin, waxaanu tilmaamay in Shirkada Asal ay mar walba u faa’iidaysto dadkeeda.

Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan, oo isna halkaas ka hadlay ayaa  si xeel dheer uga waramay nuxurka buugan Dharaaro Xusuustood ee uu qoray, waxaanu sheegay in buugani uu ka soo bilaabamayo wixii ka dambeeyey 26/6/1960, wakhtigii ay Gobonimada Somaliland ka qaadatay Ingiriiska, qaabkii ay kula midoowday Somaliya, qaabkii ay kula soo noqotay xoriyada, dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, qaabkii ay u dhaceen dib u heshiisiintii beelaha Somaliland, qaabkii ay Somaliland uga baxday xukunkii beelaha iyo sida ay u qaadatay hanaanka Dimuqraadiyada iyo Xisbiyada badan,waxaanu xusay in Buugani faa’iidooyinka ku jira aan la soo koobi Karin.

Suldaan Siciid Suldaan Cali Suldaan Shire, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Prof: Gees, oo uu ugaga mahadnaqay sida uu xilka iska saaray buugan oo uu tilmaamay in macluumad aad u fara badan oo faa’iidooyin balaadhan uu ku soo kordhin doono dalka.

Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Mixile Boqore oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu Prof: Maxamed Siciid Gees, uu mudan yahay amaan, madaama uu buug dhaxal gal ah qoray, isla markaana  siyaasiyiinta looga baahan yahay inay ku daydaan, oo ay qoraan buugag sidan oo kale ah, oo dadka wax u tara. 

Musharixiinta Madaxweynayaasha ee saddexda Xisbi Cabdiraxmaan Maxamed Cabidlaahi (Cirro), Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi, oo iyana munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Buugan uu qoray Prof:Gees uu yahay buug aad u qiimo badan, oo u baahan in aad loo akhriyo si looga faa’iidaysto macluumadka ku jira, waxayna dhammaantood amaan aad u balaadhan u soo jeediyeen Prof: Gees oo ay ku tilmaameen inuu yahay masuul is xilqaamay, oo ku dayasho mudan, waxayna saddexdoodu iibsadeen min konton buug.

Qoraaga Buugan Dharaaro Xusuustood Prof: Maxamed Siciid Gees, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa ka xog waramay sababta ku kaliftay inuu buugan qoro isagoo aan qoraa ahayn, waxaanu sheegay in Madaxweynaha Jahmuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), markii uu xilka Wasiirnimo iska casilay Xukuumaddii Cigaal, inay kulmeen, isla markaana ay wada sheekaysteen, waxaanu xusay in Madaxweynuhu uu wakhtigaas balanqaaday inuu qorayo buug ku saabsan taariikhda Somaliland iyo wixii uu goob joog u ahaa, balse aanu ilaa hadda qorin, waxa kale oo uu sheegay in markii uu dhintay ALLE ha u naxariiste Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu u yimid Marwo Katuun Xaaji Daahir, isla markaana uu wadiyey bal inuu Marxuum Cigaal wuxuun ka qoray Somaliland, waxaanu sheegay inay u sheegtay inuu ku hawlanaa sidii uu wax uga qori lahaa Taariikhda Somaliland, balse uu awoodi waayey, waxaanu xusay in marka uu arkay labadan dhacdo inuu go’aan ku gaadhay inuu bilaabo qoraalka taariikhda Somaliland, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay dhalinyaradii ka caawiyey Buugan inuu qoro, ee ku dhiirigeliyey in qoraalkiisi taxana ahaa uu buug u bedelo, waxa kale oo uu u mahadnaqay Shirkada Asal ee iyadu buugan daabacday.

Dhanka kale wuxuu Prof: Gees ka hadlay waayihii waxbarasho, xirfadiisi macalinimo, iyo madada uu dhigi jiray oo uu sheegay inay ahayd Physigiska, waxaanu xusay in Ardaydii uu macalinka u ahaa inay Jaamacado ku jira daafaha dunida inay macalimiin ka yihiin, waxaanu sidoo kale sheegay inuu Saddexda Xisbi uu yahay.

Maayarka Caasimaddu Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), saddex boqol oo buug ayuu iibsaday, Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Maxamed Mixle Boqore wuxuu iibsaday 50 buug, Wasiir Cabdiwaaxid Cabdiqaadir isna wuxuu iibsaday 150 buug, waxa iyana aad u badnaa dadka iibsaday 20 buug, sidoo kale ardayda iyo dhalinyarada ayaa iyana aad u iibsaday buugan.