Shirkada Daawoyinka Soo Dejisa Ee Shaafici Oo Si Weyn Uga Dhex Muuqatay Carwadii Caafimaadka

0
686

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirkadda daawooyinka soo jedisa ee Shaafici, ayaa shalay si weyn uga dhex muuqatay carwada ay wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha caalamiga ahi qaban qaabiyeen ee laga furay magaalada Hargeysa oo loo qabtay bahda caafimaadka. Waxa ay shirkadu halkaas ku soo bandhigtay daawooyin tayo leh oo ay umadda ka iibiso, waxaana carwada si rasmi ah u furay madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Shirkadan oo ah shirkad magac ku leh dalka gudihiisa, ayaa waxa shalay si weyn looga dhex dareemayay bandhiga ay ku muujisay carwadaas, waxaan goobta ay carwada ku lahayd booqday wasiirka caafimaadka Md. Saleban Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Dr. Edna Aden Ismaaciil iyo dad kale oo magac ku leh caafimaadka. Aaden Jaamac Cabdillaahi, oo ah maamulaha shirkadda ayaa saxaafadda u sharaxay shirkadda,  “Shirkadan waxa la aasaasay 1993, waxaanay ka hawlgasha dhammaan gobollada Somaliland iyo dhammaan dhulka Soomaalidu degto, waxaanay shirkaddu muhiimada koowaad siinaysa in ay dalka u keento daawooyin tayo leh,  mustaqbalka dhawna waxa noo qorshaysan in aanu waddamada Bariga Afrika oo dhan inaannu xarumo ka furano.”

Mar maamulaha wax laga weydiiyay xidhiidhka ka dhexeeya wasaaradda wuxuu yidhi “Wasaaradda Caafimaadkana waxa naga dhaxeeya xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayn, dhammaan wixii ay naga codsato ee tayo baadhisana waannu u gudbina.”

Wuxuu sharaxay shirkadu ay shirkaddan Shaafici wakiil u tahay, waxaanu maamule Aaden yidhi “Shirkaddu waxay wakiil u tahay shirkado waaweyn oo caan ah oo haysta ruqsad caalami ah oo daawo samaynta ah sida shirkadda NYCOMED ee fadhigeedu yahay dalka Switzerland, MAYER oo wadashaqayn la leh shirkada weyn ee Vibiotics ee ugu haysta dalka boqortooyada Ingiriiska soo saarista faytamiinnada.”

Waxa la weydiiyay waxyaabaha ay shirkadiisu ku soo bandhigay carwadan, waxaanu yidhi  “Carwada waxaannu ku soo bandhignay daawooyinka ay soo saaraan shirkadaha aanu wakiilka u nahay, daawooyinkaas oo tayo leh iyo miishiin casri ah oo lagu cabiro; dhiigga, miisaanka qofka, heerkulka jidhka, duxda jidhka, biyaha jidhka ku jira, miisaanka lafaha iyo muruqyada. Waxa kale, oo miishiinkaas suuragelinaya in qofka la cabiray uu siiyo tallooyin la xidhiidha cuntada uu cunaayo iyo jimicsiga uu samayn lahaa.”

Ugu dambayn wuxuu u mahadceliyay wasaaradda caafimaadka oo uu ku ammaanay doorka ay ka ciyaartay hirgelinta carwada, waxaanu yidhi  “Waxaan  u mahadnaqaya Wasaaradda Caafimaadka oo suuragelisay in cawrada caafimaadka lagu soo bandhigaya qabsoonto, anigoo uga mahadcelinaya sida wanaagsan ee ay u soo qabanqaabisay carwadan caafimaadka oo ah mid wax badan tari doonta, waxa kale oo aan u mahadnaqaya dhammaan cida kale ee ka qaybqaadatay carwadan, waxaanannu soo jeedinayna inay noqoto mid aan sannadkan ku eekaan oo la joogteeyo.” Carwadan ayaa ah tii u horaysay ee nooceeda ah ee dalka lagu qabto ee gaar u ah arrimaha caafimaadka.