Shirkad Danaynaysa Haamaha Shidaalka Berbera Oo Safar Indho-idhayn Ah Dalka Ku Timid

0
563

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirada arimaha dibada iyo ganacsiga ee Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin shirkada Vetol ayaa dalka soo gaadhay iyaga oo ka hadlay ujeedada socdaalka shirkadaas.

Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkadana Vetol oo dalka Ingiriiska laga leeyahay ay doonayso inay maalgaliso haamaha shidaalka iyo dekeda Bebera.

Waxaanay waftigan shirkada maalgalinta doonaysa ka socdaa ay kulamo albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo arimahaas ka hadlaayay waxa uu yidhi  “Waxaan ku faraxsanahay in aniga iyo Wasiirka ganacsiga, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar in aanu ka soo degmo Madaarka Hargeysa, waxa nala socda shirkadda la yidhaahdo VETOL oo aanu Berbera isku raacnay, weftigaas oo ka kooban shan qof waxay doonayaan inay eegaan haamaha shidaalka iyo dekedda Berbera.Shirkaddani waxay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn adduunka, dakhligiisuna sanadkii hore waxa uu ahaa saddex boqol iyo saddex bilyan oo dollar markaa waxay doonayaan inay maalgashadaan dekedda iyo haamahaba.”

Weftiga oo watay diyaarad gaar ah ayaa ka soo kicitimay magaalada London ee dalka Ingiriiska.