Hargeysa (Geeska)-Shir laba maalmood ah u socday Danjireyaasha ama Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibada oo lagaga hadlaayey qorsheyaasha siyaasadeed ee wasaarada arrimaha dibadda ayaa shalay la soo gabo-gabeeyay Maansoor Hotel ee Magaaladda Hargeysa.
Shirkan oo shalay u gaar ahaa Safiiradda Somaliland, oo iskugu jiray Safiiradda cusub ee dhawaan la magacaabay iyo kuwa hore ayaa waxa halkaas ka hadashay Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo ah Guddoomiyaha Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Yurub, horena u ahaan jirtay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa talo u soo jeedisay Wakiilada ama Danjirayaasha Somaliland ee shirkan loo soo gabagabeeyey, waxayna ugu baaqday inay gartaan xilkay hayaan iyo Wasaarradda ay hoos yimadaan, waxayna tidhi “Waxaan jeclaan lahaa in Danjirayaashu xasuustaan dabcan Madaxweynaha kama dul boodi kartid, laakiin Wasiirkaagu, waa Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxa dhici jirtay in Danjirayaashu ay magaalada yimaada laba iyo saddex maalmood ay Madaxtooyada ku horeeyaan, saddex cisho afar cisho dabadeed ay Wasaaradda yimaadan, waxaan jeclaan lahaa saaxibtinimo gaar ahi ha ka dhexeeyso, in Danjiruhu Marka hore Wasaaraddiisa yimaado”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire oo isna halkaas ka hadlay ayaa Safiiradda Somaliland ayaa ku dhiirigaliyey inay dadaal dheeraad ah muujiyaan, si gaar ahna ugu muujiyaan Wadamada ay Wakiilada ugu yihiin Somaliland, isla markaana qadiyada Somaliland sare u qaadan.
Agaasimaha Waaxda Siyaasada Arrimaha Dibadda Cabdiqani Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in shirkan ama kulankani uu ahaa mid aad u muhiim ah oo Wakiilada Somaliland ee Caalamka wax badan ka korodhsadeen