Sheeko Gaaban: Matanaa Jafaalna Baqal U Soo fuulay!!: W/Q Xuseen Xasan Xuseen

0
980

332Dhaqanka somalidu hablaha wuxuu ka yeeli jiray kuwo waalidkood qofkay la jeclaadan hadal la’aan ku siiya, heblaayow ma oggashahay Ninkan/Odeygan lama odhan jirin, sidda iminka inantu toban jirnimo ku haasaawaysana ma jirin, dadku dhaqan, xishood iyo asluub ayey lahaayeen, mobile kan gashaantidii iyo doobkii ilbidhikhsiyo kala haggin waayeyna lama haysan, Gabadha aabaheed waxa uu marwalba ahaa  odeyga/inanka uu doono inuu ku darro, habluhu dookh kumay lahayn cidda guri ka yeelanaysa lakin waxay ku niyad samaayeen wixii loo dhiso, sidoo kale way dhici jirtay in wiil la baqoolo wakhti ay caddalool iskugu yimaaddeen, ama hablaha aalaa waxa u gaar ahaa buul ka go’an buulasha kale ee waalidkood ku jirraan kana yar durugsan ardaaga wiilashu seexdaan, halkaas oo wiilku inanta uu cilaaqdo sidda roobka gud-gudaha ama miiraalaha soo haasaawe guurayn jiray, waa xiligga jabaqdu joogsato xooluhuna cano naqsadaan, ood mooddo siddii askar gaaddo ciyaar ku jirra, Wiilku isagga oo dhuumaalaysi ku jira sidda jiifaaga dareen qabana ah ayuu dhacanta reerka dhanka buulka gabadha u dhow soo joogsadda iyana waa ka warhaysaayoo horraa la isku sii cilaaqdee kadibna la kolanyeystaa, waaggu marku galac yidhaahdana hooyaddii soo kacdaa “Heblaayow toos hooyo oo dabka inoo shid, maxay dab shiddiba xalaa la dhacee!! Ee kac ba’aa, waar toosa maaad ii hurrudaanba, dabkiin ba’ye (waxay toosinaysaa waa odeyga iyo inamaddi), heblaayo heblaayo meedday meedday, maxaad la huruddaan, ka kaca, idinkaa la idiinku soo dhacay, siddee loogu soo dhiirraddaa, halkaas ayey hooyaddu ku guubaabisaa raga, iyadda oo uga dan leh in hore loo helo gabadheeda waana beer hooyee baruur la joogsataa, Gabadhii wiilka waxay kala dhacday meel aan xoolaha la mayricin maqashana laga soo hoyn si aan raadkooda loo helin judhaba.

Waxa la weriyaa Odey Beel-daaje ah dagalkana horgjoogge ka ahi in gabadhiisu wax deegaanka ku cusub ka dalbatay, “Aabo kolay Nin ayaad I siinaysaa ee iga talo gali” Aabo maxaad tidhi!? Odeygu waxa uu la tacajubay caqliga iyo garashadda Inantiisa, waxa uu la tacajabay dhiirranaanta Gabadhiisa/Inantiisa, Kuye Aabo dookha adigga leh, kaad jeclaatana aniga ayaa kuugu ducayn, Warkii Faaf, la wada maqal Odeygii dagmada ugu madaxa waynaa in Inantiisu ka dalbatay inay caashaqqeeda iyadu cilaaqato,  hablihii gayaankeedda ahi meel walba ku xante, aggaa heblaayo indho adagga, xaawalay oo dhami ku sheegaysatay, wiil kastaa isaggu mid kale lama xanto, waa xan qarsaddaa waxana uu is yidhaah yaan heblaayo la kaaga horrayn, waxa dhacda inantu markay reer magac leh ka soo jeeddo in lagu dhaato helisteedda, nin waliba hilinka uu u mari lahaa kuna soo xerro gashan lahaa maanka ku guntado,  nin iyo tabtii iyo tabcaddii, Xiligu waa Gu’ dhulkuna waa dooggan yahay, xoolaha iyo maqashuna ma kala foggaadan, caanuhu meelwalba way ceegaagan, waa wakhtiyadda wiilasha Reer guuraagu qooqan, midd walibana u jeeni qaarto heblaayaddii barriggii dhaamka isku aragteen ka war doon,  Beel Daaje isaggu inantiisa kama ag foggaadaba, waxa uu la jeedaaliyaa dookheega, waana la sheegaystaa si niyadeedda u dhiso uguna muujiyo ku faraxsanaanta garaadkeedda, wiilba wiilka uu ka magac roonaa isagga oo qayd wuxuu haystay kii ugu aragga roonaa ku jeeni qaaran farasba midka ugu muuqa qurxoon ku gaalaa bixinaya ayuu kambalka reerka laba sadex jeer ku dul cartamaa, faraskana kaga dananiyaa bal in il-dabacsan lagu soo eeggo, Aabaheed waa la socdaa waana la daawanayaa Inantiisa waxa duleedka reerka ka socda, waxa meesha marayana waa daawanayaa gabadhiisana waa kala socdaa il-qoodha, waxa muddaba la jooggaba wiilba wiilkii uu ka joogga qurux badnaa meesha yimaad ayuu markii dambe hadalka la qaattaa “Aabo kan ka warran” may aabbo iima noqon” odeyggii yaab dhabanka gacanta saar, inantiisu waxay doonaysaa waynaa, odeyggii waa xusuusan waayey wax Ina hebal ah oo imani jirin, joog iyo jiifba diid, ka shaki tallow maxay kuu soo waddaa, maxay doonaysaa, dookheegu waa noocma? Iyana dhagba jalaq uma siiso hore ayey uga haysataa oggalaanshaha, waxa wiil meesha is-kaala bixinayaa uma muuqato waana u jeeddaa, kuma qanacsana kamana helin, waa ka warhaysaa Aabaheed wararka ka haysta dookheega, culayska uu dareemayo iyo sidda uu uga dhaggo faaray, cagtii ayaa yaraatay, fardalayddii ayaa meesha ka baxday, wiil kasta oo qurux iyo qaayo lagu oggaa loo juuqi waa, goor ay casar gaabane tahay ayaa Odeyggii sheedda ka arkay qof baqal fuushan!! Baqalaa oo muxuu ahaa kan? Waa qof aad loo garanayo, qoys ahaan, iyo muuqaal ahaanba, waa qof gaaban, kamas wayni ku taal, fooldhaq wayne ah, gamuuran siddii gurtin oo kale, qalaafo leh magaciisu waa Jaafaal, qof ag taaggan odeyga ayaa ku yidhi xaaji waa Jaafaal!! Oo muxuu u socdaa Jaafaalna, dee malaha waa haasaawe tag!! Si cadho iyo ciil ku jirro ayaa odeygii inta uu afka gacanta saaray yidhi ma tanbuu joofalna baqal u soo fuulay?!! La soco ninka gabadhiisu calmatayba waa Jaafale, calafi qurux ma leh!! Middba midka uu cilaanto ayaa u qurux badan, Nin ba tuu calmadaa waa u Cambaro-Luul. Mar kalena waxay Soomaalidu tidhaa, ´´ Calafku indho ma leh´´ Dookhu waa cajiib kol uu caagad kaa galo…………….