Sheekh Sooraan Oo Geeriyooday Iyo Tacsida Madaxda Qaranka

0
614

sooraan

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo muddooyinkan dambe u jiifay xanuun haleelay.

Marxuumka, waxa lagu aasay magaalada Hargeysa, waxaana aaskiisa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo masuuliyiin kale.  Geesta kale madaxda qaranka ayaa shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Sooraan. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu tacsi ugu diray qoyska, qaraabada iyo umadda uu ka geeriyooday Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan. Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu sidaas oo kale umadda iyo asxaabta ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Sheekh Sooraan. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sidoo kale isaguna shacabka ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Sooraan.