Sheekh Shariif Oo Ku Celiyay Midhaha Uu Ka Rabo Wada Hadalada Somaliland iyo Somaliya

0
603

SHEEKHMuqdisho(Geeska)-Madaxweynaha dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa mar kale ku celiyay natiijada uu ka doonayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu xukuumadda Somaliland ku bogaadiyay xilkasnimo uu sheegay inay muujisay.

Sheekh Shariif, wuxuu hadalkan ku sheegay warsaxaafadeed uu kaga hadlay sannad guurada 52aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland Ingiriiska ka qaadatay xorriyadeedii aanay mahadin ee ay ku dhex tuurtay dalka Somaliya 26 June, 1960. “Waxaan rabaa si gaar ah inaan ugu mahad celiyo walaalaheena Soomaaliland, niyad wanaagga iyo xilkasnimada ay muujiyeen, annaguna waxaan muujineynaa dhinacayagana inaan diyaar nahay. Soomaalina meelna kalama tagi karto laakin haddii wax la kala tabto in la xalliyo waa lagama maarmaan” ayuu yidh. Sheekh Shariif, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata sheegay inay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ku soo beegmeen bisha June, “Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed in aan ugu hambalyeeyo munaasabadda 26-ka Jun 1960kii. oo ah maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi eey ka xoreebeen gummeysiga. Runtii waxayna ku soo aadday waqti ay bilowdeen wada hadallo u dhaxeeya woqooyi iyo koofur.”