Sheekh Caan Ah Oo Garowe Lagu Dilay Iyo Ninkii Toogtay Oo Gacanta Lagu Dhigay

0
597

 

Picture5Garowe(Geeska)-Nin hubaysan ayaa shalay toogasho ku dilay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, oo ku jiray ragcadii afraad ee salaadda Casar, masaajid ku yaala magaalada Garowe.

Sheekh Cabdiqaadir, waxa toogtay nin dhallinyaro ah oo ka soo toogtay daaqad ku beegan goobta uu sheekhu ku tukanayay. Waxaana gacanta lagu dhigay ninka dilka gaystay oo ay isku duubeen wiil iyo gabadhi, waxaanu labada qof ee qabtay iskaga furfuray xabad, laakiin dad kale oo gadoodsan ayaa gacanta ku dhigay, waxaana lagu hayaa xabsi ku yaala magaalada Garoowe, lamana shaacin magaciisa. Sheekha la dilay, ayaa caan ka ahaa magaalada Garowe iyo deegaanada Puntland.