Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay deegaanka Toon ee koonfurta magaalada Hargeysa lagu aasay Sheekh Axmed Cali Weerar oo ka mid ahaa culimada caanka ah ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ku geeriyooday wadanka Djibouti.
Marxuumka oo laga soo qaaday maydkiisa wadanka Djibouti oo loo geeyay arrimo caafimaad, waxa aaskiisa ka qayb galay guddoomiyayaasha xisbiyada Waddani iyo UCID Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, culimo, xildhibaano, ganacsato iyo dad kale oo ka tirsan bulshada Hargeysa. Waxaanay dadkaasi ka warameen taariikhdii wanaagsanayd ee uu Sheekha geeriyooday ku lahaa arrimaha diinta iyo amniga dalka.
Sheekh Axmed Cali Weerar, ayaa ahaa caalim magac iyo karaamo bulshada ku dhex lahaa, waxaanu tan iyo intii uu dhallinyarada ahaa uu ku soo dhex jiray faafiinta diinta Islaamka iyo kor u qaadisteeda. Alle haw naxariisto marxuumka.