Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Dilalkii Qisaasta ahaa ee Xukuumadda Somaliland ku fulisay 7-dii qof ee loo haystay inay hore Dad u dileen, waxaanu sheegay inay tahay tallaabo dhanka Wanaagsan loo qaaday Maaddaama oo Amarka ILLAAHAY (SW) la fulinayo.
Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbad kasta oo Jimcaha uu jeediyo kaga hadla arrimaha khuseeya Bulshada, ayaa sidoo kale amaanay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu ku tilmaamay inuu Iftiin u yahay Cadaaladda Somaliland, waxaanu Shacabka kula taliyey inay isbarbar taagaan si uu uga badbaado Dadka aan Cadaaladda jeclayn, laakiin, ku mashquulsan siday wax aanay lahayn u heli lahaayeen.
Sheekhu waxa kale oo uu ka jawaabay hadallo lid ku ah fulinta Qisaasta oo dhawaan ka soo yeedhay Dawladaha reer Galbeedka oo uu xusay in aanay waxba ku darsan Somaliland isla-markaana waxa loogu soo dhiibo leexsada.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa Qisaastii Qiimaha Badnayd ee uu sababteeda lahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo Xukuumadda Maanta jirta u noqday Xayndaab. ILLAAHAY (SW) marka uu Ummad badbaadinayo Dad kooban ayuu u soo diraa.”
Sheekhu waxa uu u jawaabay Dawladaha Reer Galbeedka ee diiddan fulinta Qisaasta, “Nimankan Maanta inala jooga ee diiday inay Ina Ictiraafaan isla-markaana duudsiyey xuquuqdii aynu lahayn innaga oo wax wax walba xaq ugu leh, ayaa haddana aad uga hadlay Qisaastii la fuliyey, iyagoo inta ay ina siiyaan 99% Nairobi ku cuna, iyada oo 1% ay innaga soo gaadhaan waxa innagu Magacaabani. Sidaas oo ay tahay ILLAAHAY waxaynu waydiisanaynaa Dawlad toosan oo Caddaalad samaysa oo Dadka Hantidooda u sinta, oo kuwaa Mujrimiinta ah iyo kuwa kale ee Somaliland necebba ka maaraanta ayaynu ILLAAHAY (CW) Ummadda u baryeynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Marka labaad aynu isbarbar taagno Inankaa Da’da yar ee Iftiinka u noqday Cadaaladda Somaliland, wax bandanna dhaqaajiyey, waana inaynu isbarbar taagno Caqli, Sharciyan iyo Maalba. Maxaa keenaya inaanu isbarbar taagno (Guddoomiyaha Maxkamadda sare), waxaanu ognahay qaar badan oo Hanti badan ku haysta Dalka oo aan ku qanacsanayn inuu horumaro, waxaanu ognahay qaar in badan Magacyadooda lagu soo celceliyo intay Dalka Khasaare geliyeen inay ka badan tahay intay tareen. Guddoomiyaha Maxkamadda sare Bar-cad buu ku noqonayaa Xukuumaddaa dhan ee aad arkaysaan, ILLAAHAY dambigiisa ha dhaafo oo xaqa ha garansiiyo, Mujrimiinta badan ee Jecel inay karkaarka weydaariyaana ILLAAHAY ha uga gargaaro.”
Sheekhu waxa uu ka digay awoodaha ay adeegsadaan Dadka boobka ku haya Dalku markay Maxkamadaha galaan, “ Inankaa (Guddoomiyaha Maxkamadda sare) isbarbar taaga, Waayo? Wadaadkii, Suldaankii iyo Wasiirkii baa Dalka boobaya, intaasiba Sharciyad bay doonayaan, kuwaasi waxay leeyihiin Awood ay ku riixaan marka hawlahooda la gelso, markaa haddaynaan Inanka isbarbar taagin culays badan bay keenaysaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, in waxa Ummaddu ku kala badbaadeysaa inay tahay Qisaasta, “Nin aan Qorigiisii haysan ma jiro, ee innagu maxaynu ku kala Nabadgaleynaa, marka Inan yar oo kibray uu Walaalkii Dhul ama Dhaxal ku dilo waxa keliya ee aynu ku kala badbaadeynaa waxa weeyaan in sidaa Maanta dhacday in hore loo Qisaaso oo aan dib loo dhigin weeeyaan. Waxaan ku soo koobayaa oo aan leeyahay aynu Qisaasta taageerno.”
Sheekhu waxa kale oo uu khubaddiisii Shalay ku soo hadal qaaday Xukuumaddii Daahir Rayaale oo uu sheegay inuu ka mid ahaa Dadkii ka ololeeyay, waxaanu isagoo ku soo hal-qabsanaya Dhulka Xarunta Dadka Dhimirka ka xanuunsanaya ee Sahan uu yidhi, “Dhulka Xarunta SAHAN yaa bixiyey, Xukuumaddii aynu la dagaalannay ee Daahir Rayaale (ayaa bixisay).”
Sheekha oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Daahir Rayaale ILLAAHAY Dambigiisa ha dhaafo waanu ku qaldanaye, Dadkii halkan (Masaajidka) ka dagaalamay baan ahaa, Masaajidkan buu ahaa halkii laga ololeeyay, kuwii aanu is lahayn way dhaamayaanna waxaanu ka baqeynaa inay Dadka iibiyaan.”ayuu yidhi.