Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Digay In Sifo Kale Looga Faa’ideysto Dhulka Baabuurta La Dhigto Ee Gobanimo

0
807

Hargeysa (Geeska)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbadii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Gurmada Abaaraha ka jira Bariga Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ku bogaadiyey kulankii uu la yeedhay Shirkadaha Waddaniga ah ee Dhaqaalaha ku bixiyey Gurmadka Abaaraha.

1

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay  isla-markaana uu ka digay in Goobaha loogu Talo-galay in Baabuurta la dhigto ee Suuqa Gobanimo ee Hargeysa sifo kale looga faa’ideysto.

“Suuqa Gobanimo Dad baa sameeyay, waxa loogu talo-galay in Baabuurtu ku soo wareegto, laakiin ma jirayo Suuqaasi haddii la waayo meel ay is-taagaan Baabuurta Caanaha keena, Baabuurta Khudradda keena iyo Baabuurta Koonayaasha Magaalada ka imanaya, waayo? Waxa loogu talo-galay in Qofka Suuqa ka adeeganayaa Gaadhiguu doono ha watee inuu Suuqa halka ugu dambeysa tagi karo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Sheekh Aadan-siiro, “Waxa jira in Suuqii laga dhex raadinayo (Dhul) Cidday doonto ha ahaatee oo la doonayo in intii yarayd ee Baabuurtu is-taageysay laga faa’ideeyo. Suuqa Gobanimo waxyaalaha loo yimaaddo waxa ka mid ah Qalabka Guryaha (Furniture), laakiin haddii Dadka imanayaa waayaan meel ay baabuurtooda dhigtaan waxa kici doono Shan boqol oo meheradood, waxaana Masaariif waayi doona Shan kun oo qof (oo ku tiirsanaa Meheradahaa kacaya), markaa inta ku hawlan (Arrinkaa) waxaanu leenahay ka daaya’.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu farriin u diray Xukuumadda iyo Golaha deegaanka Hargeysa, “Waxaanu u sheegaynaa Xukuumadda jirta, Golaha deegaanka Hargeysa iyo inta Caqliga iyo Cilmiga leh iyo inta Garashada leh ee Carruurta dhalan doona Danta ka leh, waxaanu leenahay wixii kale oo dhan waa lagu kala tagay ee intaa yar baa idiin hadhay ee intaad joogtaan caqligu ha shaqeeyo oo hala yidhaahdo ma suurto-gelayso (In la iibiyo Dhulka ka bannaan Suuqa Gobanimo).” Ayuu yidhi.

Sheekhu waxa kale oo uu khubaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Dugsiga Sheekh Bashiir ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo uu sheegay in Qaybta Laamida ku jeedda la dhisanayo, “Maanta waxa la dhisayaa Dugsiga Sheekh Bashiir oo ahaa Dugsigii uu ka baxay Dr. Cali Qaaddi oo ah Qofkii ugu horeeyey Soomaalidu siday u dhan tahay. Inagoo soo taagan intii Wadaaddada sheeganayey iyo intii Cilmiga sheeganayey-baa lagu kala tagay Dugsiga Sheekh Bashiir intii laamida eegaysay. Ma jiro Qof odhan karaya sidee loo goo’gooyaa Dugsiga Sheekh Bashiir oo Qof u qaataa ama Kooxi u qaadataa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey, “Waxa Rasuulku yidhi waxa Iman doonto Wakhti Qofka Xaqa sheegayaa uu noqdo sidii Qof Dhimbiil dab ah Gacanta ku haya. Markay gaadho Qofku inuu odhan kari waayo Waar waxa lagu jabayaa, waa markii (Rasuulku yidhi) Qofkii xumaan arkaa Gacanta wax ha kaga qabto, Hadduu Kari waayo haka hadlo, hadduu kari waayana Qalbiga haka naco.”

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddiisa sii wata, ayaa ka hadlay isla-markaana sheegay inaan Xisbiyadu ahayn wax Diinta ku sugan, laakiin ay yihiin wax Dadku ay ku heshiiyeen, “Xisbiyada aynu samaysanay halkay kaga yaalaan Kitaabka iyo Sunnaha Nebiga (CSW), Annagu waxaanu nahay Dadka taageeray, laakiin maxaanu ku taageernay ? waxaanu ku taageernay waar ha is-dilina kuwiina wax doonayoow, ummaddana ha wareerinina, beentaa aad waddaan hadba kiina badiya beenta iska raaca inta ILAAHAY faraj keenayo. Culimadu waxay yidhaahdeen marka Dadka wanaagsan la dooran waayo, ee Dadka wanaagsani aanay Saaxadda (Hoggaaminta) ku jirin, Dadku waa inay raacaan waxay ku kala baxayaan ee aan Dil iyo dhibaato keenayn, markaa Maanta Shar iyo Khayr lama kala dooranayo, laakiin waxaad miisaamaysaa labada Shar kee baa dhibaato yar.”

Ugu dambeyn, Sheekhu wuxuu ka hadlay Gurmadka loogu jiro Dadkeenna ku abaareysan bariga Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ku hambalyeeyay Shirkadaha Waddani ee uu iskugu yeedhay, qaybtana ka qaatay Gurmadka Abaaraha, “Waxaanu u hambalyeynayaa Madaxweynaha JSL oo iskugu yeedhay Ganacsatada Dalka oo qayb weyn ka qaatay Gurmadka Abaaraha, waxaanuna leenahay waa bilow ee aad iyo aad ha loo dedaalo.” Ayuu yidhi.