Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa ergada golaha guurtida ee ku hawlana dhexdhexaadinta khilaafka KULMIYE ugu baaqay inaycadaaladda waafajiyaan go’aankooda. Sheekh Aaden, oo shalay mawduucan ku soo hadal qaaday salaadii Jimce ee Masaajidka uu tukiyo, wuxuu yidhi “Waxan tilmaami doonaa inaan sheego oo la taliyo nimankaa maanta wixii dalku lahaayeen isku Haysta, Maanta waxa la jecel yahay inaad tilmaanto oo aad dhinac raacdo oo aad qandaraasyada socda dhinac ka fuusho, waxa la jecel yahay wixii la qaybsanayo inaad qaybtaada ka qaadato oo aad Boobka dhinaca ka noqoto, Taa-saanad Maanta wax ku noqonaysaa, Haddii kale qof aan meelna ka tirsanayn baad Noqonaysaa.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Sheekh Aden, wuxuu yidhi “Inta nin Xaydan Waad Yaabaysaa Imika, KhIlaafkan umaddaa leh taladii umadaana la isku Haystaa, qaddiyaduna Hebel, Xisbi iyo Reero midna ma taagna, Nimankaa is xilqaamay ee Guurtida ah waa ku ixtiraamaynaa waana shaqadoodii laakiin waxanu leenahay waar ka caddaalad fala oo cidna ha u eexanina Magacuu doono iyo Taytalkuu Doono ha sitee qofkii qaldan waa in la joojiyaa si umadda loo Baqdbaadiyo.”
Sheekh Aadan, wuxuu intaas raaciyay “Afar million oo Somaliland ah baa dalkan iyo dadkan wada Wada leh, intan xukuumadda ka mid ah ee Konton ka qof ahi muxuu umadda ka yahay waa shakhsiyaad, markaa Halgankii umadda loo eegona Boqolkiiba kama aha, markaa ma aha inay xisbiga kulmiye u qaataan inay talada kaligood leeyihiine waa in la tixgeliyo dadku waxa ay doonayaan.”
Ugu dambayn wuxuu Sheekh Aaden, isagoo la hadlaya ergada guurtida uu yidhi “Guurtida waxanu leenahay oo talada aanu siinaysaa waxa ay tahay waar caddaaladda ogaada, waar waa la garanayaa wax a la isku hayo, waxa la isku hayaana waa wax fudud saacadna may qaadateen Haddii naloo dhiibo, waayo wixii qornaa waynu garanaynaaa, laakiin go’aankaasi waxa uu ku xidhan yahay inaad marka hore dalkan ku xidhan tahay ooo aanad qabiil, qof, xisbi iyo shakhsi midna u danaynayn.”