Nasri Jumca Cali, waa muwaadin Reer-Sinsibaar ah. Ku dhawaad Sagaal saacadood oo aan maalin dhexdii ahayd safar ku wada jirnay – Nairobi ilaa London – ayaa aanu is ag fadhinay. Si furan oo waaffi ah baa aanu u sheekaysanay. Miyaanu doonaynay in aanu sheekaysano, mise waa aanu ku khasbanayn. Ka ay tahayba, waxa aad moodaysay in aanu muddo dheer is naqaanay. Waxyaabo kala kaan ah ayaa aanu isla soo qaadnay, badankooda na isku meel baa aanu ka joognay. Qodob aanu se ku dheeraanay, waxna aanaan iskala meel dhigin baa jiray. Haa, ma aanu isla garanin, ugu yaraan se safarkii ayaa aanu ku dhaafnay.
Su’aasha ah – Sinsibaar xaalkeeda iiga warran? Ayaa sheekadda dheeraatay ay ahayd. Nasri waxa uu igu yidhi – in aanu ka goosanno Tansaaniya inteeda kale ayaa aanu xoog u doonaynaa, jidkii aanu u mari lahayn baa se naga oodan. Rafiiqii safarka waxa aan si kooban ugu idhi – maydun iska dayn? Isna waxa uu yidhi – maya. Doodda goosashadooda oo dheer baa uu galay, waxaana ugu muhiimsanaa in ay dawlad gooni ah ahaan jireen, Sinsibaar na ay Qaramada Midoobay xubin ka ahayd iyada oo Tansaaniya aanay jirin. Waxa uu sheegay in ay xadaarad fog lahaayeen, manta se ay qayb ka yihiin wadan aanay wax badan wadaagin. Waxa aan ku idhi – Sinsibaar dadka ku dhaqani amni ma haystaan? Jawaabtiisii na waxa ay noqotay – ha. Ka dib na waxa aan ku idhi, nal iyo biyo joogto ah ma heshaan? Hargeysa ayaa aan markaas ka imid, oo labadaasi ba suququl xoog ah ku yihiin. Malaha sababtaas baa aan kuwaas u waydiiyay, isna waxa uu ii celiyay, in ay labadaas ba ka haqab la’yihiin. Ka dib na waxa aan u celiyay – caafimaad iyo tacliinna? Iyaka na waa helnaa, waana meelaha Afrikaba loogu qaatay baa uu igu yidhi.
Hawraarsan, hadaba goosashadaas iska daya war badan baa idinka maqane – baa aan ku idhi. Waxa aan u raaciyay – hadii aydaan daynaynin, cid wax idinla wadda, oo idin aqoonsanaysa ma haysaan? Isna waxa uu si taxadir leh u yidhi – Cumaan ayaa koley na aqoonsan. Cumaan oo laga yaabo in ay idin aqoonsato oo keliya ma idinku filna – ayaa aan ku idhi. Si kastaba waa ugu sharaxay mashruucaasi sida uu u khatar badanyahay, iyo in caadifad lagu gala in aanay qumanayn, ma uu se I aqbalin, fikraddiisii na waxba ma iska bedelin. Waxa aan ku idhi, hadii aad goosataan, waxa aad haysaan na uu burburo, cidina idin aqoonsan waydo ka warran? Su’aashaas ma uu doonaynin in uu ka jawaabo, amaba wax uu kaga jawaabo ayaa aan u cadayn.
Nin yab leh baa uu ahaa dhab ahaan, war badan baa se ka maqnaa. Waxa uu I xasuusiyay nin arday ka ahaa magaalada Birmingham ee Ingiriiska, oo aanu tobaneeyo sanno ka hor isagana safar wada galnay. Saacad iyo badh baa aanu tareen la wada soconay, waxa uu na ka yimid Suudan. Waxa uu ii sheegay in uu ka soo jeedo gobol la dhaho Daarfuur, oo Galbeedka wadanka ku yaala, iyo in ay abaabulayaan jabhad xaq-u-dirir ah, oo dhawaan dab-shidkeeda la arki doono. Asbaabta ay dagaalka u galayaan oo aan waydiiyay wax sidaas u buuran ma iiga sheegin, amaba wax uu ii sheego ayaanu haynin. Waxa uu igu yidhi – Xassan Al-bashir iyo reeraha uu ka soo jeedo, waxa ay noo sheegtaan Carab, xukunkii na cid wax ma uga ogola. Ninkaas ardayga ah, oo caafimaadka baranaayay waxa uu magaciisu ahaa Muuse. Waxa aan ku idhi Dr Muuse, ninyahaw dagaal ha qaadina. Nin aan digo gelini ma gubanin – maahmaahdii ahayd ayaa igu soo dhacday, mid u dhiganta oo af carbeed ama ingiriisi ah se ma helin. Waxa aan uga sheekeeyay dagaalkaasi waxa uu keeni doono, iyo in aan muraadka laga leeyahay laga gaadhi doonin. Muddo an sidaas u badnayn ayaa aduunka oo dhami ku war helay masiibo Daarfuur la yidhaahdo. Qaxoonti ilaa manta la quudiyo, iyo hogaamiye kooxeedyo aan waxba heshiis ku ahayn, dawladda Khartuum na heshiis la ahayn ayaa soo baxay.
Malin dhawayd ayaa aan qisadii Daarfuur waydiiyay nin kale oo meeshaas ka soo jeeda, waxa aanan ku idhi – jabhadda Daarfuur maxaa ay rabtay? Isna waxa uu igu yidhi – waxa ay rabtay cidina ma oga. Kuwii jabhadda hogaaminaayay qudhooda, oo qaarkood anu ilmo-adeer nahay ayaa aan xataa aqoonin waxa ay rabeen. Guryo waawayn oo Khartuum ku yaala ayaa u kiraysan ama loo dhisay, lacag na fadhiga ayaa ay ku qaataan. Ninkii qaxay, naafoobay, amaba dhintay isaga uun baa iska dhintay ama iska qaxay. Cidiba ma xasuusna ayaa uu igu yidhi. Ninkaas Dr Muuse koley waa uu ila yaabanaa, manta se hadii uu noolyahay darsi ku filan waa bartay. Hadii uu doono na, waa sida ilmaadeeraday oo kale oo darsi na ma uu baranin. Waxa uu ii la yaabanaa sidii anakuba aanu u la yaabi jirnay odaygii Cabdilaahi Aw Jaamacc Maygaag, ee Reer-Hargeysa, ee badhtamihii 1980 nadii na odhan jiray adeer dhagax ha tuurina, iskuuladiina na ha iska xumaynina, cidi se ma yeelin. Xili dambe ayaa aan qaxoontiga ku arki jiray C/laahi oo sii gaboobay, laakiin fariidnimo ayaa uu la gaboobay, fariidnimo ayaa uuna la dhintay.
Waxa aan rajaynayaa, oo Reer-Sinsibaar u rajaynayaa, in aanay talaabo u qaadin jiho aan la aqoonin. Lama jecli in ay gacantooda meel madaw geliyaan. Wax kasta oo ay ku kacayso, oo aan awoodo ba waa u samayn lahaa si aan u qanciyo, ma se yeelayaan. Wiilkoodii Nasri baa aan u jeeday sidii uu isu maqiiqaayay. Al-muhim, wacnaan lahaydaa inta aan talaabo la qaadin in la fikiro ama laga fiirsado. Sida oo kale, wacnaan lahaydaa hadiiba ay dhacdo in la qaato talaabo aan xoog looga fiirsanin, amaba aan la hubin kobta ay ku dhamaanayso, in duruus laga barto oo dib wax loo saxo. Hadii labadaas ba la waayo, oo arimaha waawayn si mug leh marka hore looga fiirsan waayo, hadiiba ay wax qaldamaan na, duruus laga baran waayo, meeshaas rajo la’aan uun qor.