Saylici Oo Ka Hadlay Tabashada Beelaha Gobalka Awdal Iyo Saami-Qaybsiga Golaha Wakiilada

0
1084

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey arrimo la xidhiidha Tabashooyinka Beelaha Gobolka Awdal iyo Gobollada bariga dalka iyo dedaallada la xidhiidha ka hor-tagga Covid_19.

Mudane Saylici oo ugu horrayn la waydiiyey in Dawladda Somaliland ay Beesha Caalamka ka dalbatay inay ka caawiso la dagaalanka Xanuunka Covid_19, ayaa ku jawaabay “Haa…Maraykankan baa in Caawiyo ka maarmi waayay, waaba innaga oo ah dal yar oo aan la ictiraafsanayn oo dhaqaale badan aan lahayn, markaa waanu u dirnay Hay’daha iyo Dawladaha aanu saaxiibka ahayn wixii lagu haw-galayey oo dhan oo qiimaysan.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo la waydiiyey in waxyaabaha ay Caalamka waydiisteen ay ku dareen Qalabka Dadka Neefshada ka caawiyo, kuwaasi oo Covid_19 ka horba ku yaraa Somaliland, waxaanu yidhi “Haa…waa lagu daray (qorshaha) wixii laga helayey Waddanka, hadday hayeen Dad Shacab ahi waa laga iibiyey, wixii suurto-gal ah ee la hayey waalla ururiyey, laakiin meelihii dibedda ee aanu ka dalabnay weli xanibaad-baa saaran. Alaabta la naga caawinayo ka sakow, Dawladdu xitaa alaabtaa waxay ku bixisay lacag 2 boqol oo kun ah, waxa la siiyey Shirkad Maxali ah oo Waddani ah (Qandaraaska), iyaga laftoodii way caddilan yihiin oo waxay soo saaraan (Alaabtii) ayay la’yihiin.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa kale oo la waydiiyey sida uu u arko Tabashooyinka ay qabaan Beelaha Gobolka Awdal, waxaanu ku jawaabay “Cabashooyinkaasi marka la isku yimaaddo ee la wada-hadlo ee Xukuumad ahaan iyo Gobol ahaan loo wada-hadlo wax wax laga soo qaadi karaa wuu jiraa, wax ka badbadis ahina wuu ku jiraa, taasi oo u badan Mucaaradad ku xumee ah.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Muddadii uu ku-xigeenka u ahaa Madaxweyne Siilaanyo oo dedaal badan geliye inaan Cabashada Reer Awdal gaadhin Gacan ka hadal “Anigu muddadii 7 sano ahayd ee aan la shaqaynayey Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo waxaan mar walba ku dedaalayey in aanay gacan ka hadal ka gaadhin, Dadka reer Awdalna waxay tabanayaan ay mar walba Xukuumaddooda kala hadlaan, wayna dhacday oo ururin faro badan baan sameeyay anigoo mar walba ku soo koobaya in aanay Dadkaasi ka bixin Xadka Somaliland iyo wixii Ummaddani ku heshiisay, oo aan mar walba horkeeno Madaxweynaha iyo Xukuumaddii markaa jirtay oo laga wada-hadlo, way jirtay marar badan oo waxyaabihii ay tabanayeen qaybo ka mid ah wax laga qabtay, wax ka mid ah Tabashadaa oo aan badnayna imika way jirtaa.”

Cabdiraxmaan-Saylici wuxuu sheegay in Jabhadihii kala dambeeyay ee lagaga dhawaaqay Awdal ay ahaayeen kuwo Dadka sameeyay ay Mucaaradnimo ula gashay, qaarkoodna arrinkoodu gaadhsiisnaa heer ah inay Gobolka Awdal ka gooyaan Somaliland inteeda kale “In Jabhado la sameeyaa waa wax Tabasho ka badan oo Mucaaradnimo la gashay, Dadka qaarkoodna waxay dabada ula gashay wax ka ballaadhan (Jabhadnimo) oo halkan aanan ka faahfaahin karayn. “ ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal la waydiiyey oo la xidhiidha waxay Jabhadaha qaarkood doonayeen “Siyaasad ka baxsan Somaliland, Dad ay Maskaxdooda ku jirto Itoobiya oo dabada ka geliyo, Gobol gaar loo goosto, waxaas oo Tabashadii ka siyaado ah iyo waxaan Qarankan ka suurto-geli Karin, Waayo? Qarankani waa Qaran jira, Dalka Cid kala goyn kartaana ma jirto, wixii Waaqiciga ahaa markii laga wada-hadlayna waalla dhameeyay.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo u warramay Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka mid ah Telefiishanka Universal, ayaa sheegay in Tabashada reer Awdal u badan tahay ta Golaha Wakiillada “Cabashada ugu badan ee reer Awdal waa Golaha Wakiillada Saamiga ay ku leeyihiin, kaasina maaha wax Madaxweyne uu keligii Qalin ku beddeli karo.  Lixdankii waxay Beesha dhexe lahayd saddex Dalooloow 2, beelaha kale oo dhana saddex Dalooloo 1 ayay lahaayeen iyo Qaranka ha la wada yeesho (Maanta) isma qabanayso, markaa Tabashadaas ayaa jirta, taana waxaad mooddaa in Dawadeedii laga war-wareegayo, Maalinta doorashadana uun la soo qaato oo Cid walba ku dagaalanto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Beelaha Gobollada bariga laftooda Tabashada ay qabaan la mid tahay ta reer Awdal “Bariga laftiisuna wuxuu dareensan yahay arrintaa Lixdankii ku fadhida. Lixdankii Maalintii la tagay haddii la eego Dadka kale Saddex Dalooloow 1 ayuu ahaa oo halkaa ayuu fadhiyey, laakiin Beeshii dhexe 2-deedii way haysataa (Imika), wakhtigaa markii Xukuumadda la qaybsaday waalla is leekaa, laba darafyada ah iyo mid ta dhexe ah ayay ahaayeen, tii Maanta lama soo qaado, Waayo? Xukuumaddii waxaad mooddaa in saddex Dalooloow 2 uun lagu fadhiisanayo (Xilalka), markaa haddii Lixdankii la wada qaadanayo ha la wada qaato oo Dadka ha lagu Raalli-geliyo oo lagu soo dhaweeyo Dadkii Dadkan wada lahaa. Aniguna waxaan qabaa haddii aan la xallin karayn (Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada) in sidii kale ee xallili karo loo xallilo oo Xukuumaddii la isku soo dhawaado oo imika aad loo kala fog yahay.”

Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay inuu dhamaystay labadii jeer ee Sharcigu u ogolaa inuu Madaxweyne ku-xigeen noqdo “Labadii Jeer ee aan xaqa u lahaa Madaxweyne ku-xigeenka waan soo dhamaystay, waxa keliya ee ii furani waa inaan Madaxweyne u tartamo haddaan fursad u helo. Waxaan ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye, Cid igaga xaq lihina ma jirto Runtii, markaa Anigu waxaan qabaa in Madaxweynahaa Maanta jooga marka wakhtigu ka dhamaado Guddoomiyaha ku xiga Ninka taagan ayaan ahay, illaa Madaxweynaha wax iga maanacaya inaan u tartamo Qaranka aan intaa u so joogay ma jiro.”ayuu yidhi.