“Saxaafada Waxaanu Jecelnahay Inay Xukumadu Xidho, Waayo Waa Kuwii Nooga Hiiliyay”

0
549

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo shalay dalka ku soo laabtay ayaa ka hadlay ujeeadada safar uu ku maqnaa oo uu ka soo laabtay, xadhiga saxaafadda iyo weliba guryaha dawladda ay xukuumadu dadka ka saartay.

Md. Faysal, ayaa wuxuu sheegay inuu mabda’ ahaan aaminsanyahay in madaxbanaanida saxaafadda la ilaaliyo, wuxuuse ku majeertay inay cuqubo ku dhacday saxaafadda oo wakhtigii uu mucaaradka ahaa Madaxweyne Siilaanyo garab weyn siisay, halka ay hoosta dhigi jirtya wararkii UCID. Isagoo ugu horayn ka hadlaya ujeedada safarkiisii iyo arrimaha doorashooyinka wuxuu yidhi   “Waxaan u baxay dano gaar ah waanan soo nastay, dalkana wixii ka socday wax badan kamaan ogayn, laakiin waxaan ogahay inaan wali la ansixin guddidii doorashooyinka, inaan baarlamaankii la furin, inay guurtidii fasax ku maqan tahay, halkaana waxa ka muuqata in sag saag ku jiro in doorasho dhacdo, taasina waxay keenaysaa cawaaqib xumo, waxaanan filayaa in laga maarmay doorashooyinkii iyo asxaabtii markaa talo kale oo qaran looga wareegi doono, mar haddii hay’addihii xilka ku lahaa inay agabka doorashooyinka dhigaan ay meeraysanayaan oo aanay doonayn inuu qofna meeshiisa ka kaco waxa iman doonta in laga tashado, waxaanan ugu bushaaraynaynaa cida wakhtigoodu dhamaado inaanu sharci ku fadhiyeyn lagana tashan doono, sharci darana waxa noogu filan tii baarlamaanka ee shanta sano ahayd, ta guurtida ayaa noogu filan haddii ay ta madaxweyne ku darsanto dalka waxa uu noqonayaa dal hay’addihiisa oo dhami ay yihiin bilaa sharci. Markaa waxaan jecelahay in arintaas laga tashado oo taladeeda la gaadho laakiin yaan lagu seexanin in hadiyad loo siiyo hay’addaha ka seexday sharcigoodii in loo kordhiyo, oo ay isku kordhiyaan.”

Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu canbaareyey ciidamada ay xukuumadu u isticmaalayso dadka shacabka ah iyo hay’addaha warbaahineed ee ilaa hadda xidhan waxaanu yidhi “Waxyaalihii aynu ku caano maalnay ee aan aduunka ka iibino, warbaahintana waxaanu jecelnahay inay xukuumadu xidho waayo waa kuwii nooga hiiliyey markii uu Siilaanyo mucaaridka ahaa ee warkayagana aasi jiray kuwiisana buun buunin jiray waanan jecelnahay inay cuquubadu ku dhacdo laakiin mabda’ ahaan waanu ka soo hor jeednaa iyaga iyo ciidamada laysticmaalayo ee sidii duub castii Maxamed Siyaad Bare loo dirayo dadka, labaduba waxa uu ku tusayaa in dalkeenu uu leexday wixii uu ku caano maalayna ka leexday, doorashadiina dib ayey u dhacaysaa markaa waxaad moodaa inaynu dib u cunayno heeryadeena, waxaanu leenahay ha la soo daayo hay’adaha warbaahineed ee xidhan taasna waanu ka xunahay waa wax aan loo dul qaadan Karin.”

Ugu dambayn wuxuu ka hadlaya guryaha dawladda ee dadka shacabka ah laga saarayo, waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay guryaha shacabka Hargeysa ee dawladu leedahay ama dadka ha loo soo wada celiyo ama reer Hargeysa ayaa lahaaye ha qaybsadaan laakiin in qolo qaadato anaguna ka qaawanaano wax meesha qabta maaha.”