Hargeysa (Geeska)- Qoraaga iyo saxafiga reer Masar ee Caadif Saqar oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha Carabta iyo Afrika kana tirsan wargeyska Al-Ahraam ayaa qormooyin taxane ah oo uu toddobaadadii ugu dambeeyey kaga waramayey dalalka Afrika ee ay Masar xidhiidhka leeyihiin ama ay ku qasban tahay Masar in ay xidhiidh la samayso si ay danaheeda dibadda u ilaaliso waxa uu ku soo qaatay Somaliland, isaga oo dal kasta oo uu qormo ka diyaarinayana safar ku tagayey. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan ku soo qaadanayaa isku darka laba warbixinood oo uu qoraa Caadif Saqar ku baahiyey wargeyska Al-Ahraam, kuwaas oo uu kaga hadlayo Somaliland oo uu safar ku yimi.
Warbixinta koowaad oo uu ugu magac daray “Muuqaallo Soomaali ah” ayaa uu qoraagu 21kii Julaay 2014ka ku baahiyey wargeyska Al-Ahraam, waxa aanu ku bilaabay. “Cagtii saddexaad ee safarkayga oo ka dambaysay tegistii Uganda iyo Jabuuti, waxa aam ku imi woqooyiga Soomaaliya (Somaliland) oo haysta maamul si uga gaar ah Soomaaliya inteeda kale, in kasta oo ay dowladaha adduunku weli ka dhego adaygayaan in ay u aqoonsadaan dowlad ka madax bannaan Soomaaliya. Qorrax kulul oo iga heshay dalka ay deriska yihiin ee Jabuuti kadib, waxa ay diyaaraddu igula soo degtay deegaan qabow oo cimiladiisu aad u fiican tahay… Garoonka caalamiga ah ee Hargeysa oo caasimadda ah, waxaa derbigiisa ku dhejisan boodh qaddiimi ah oo ay ku qoran tahay in mid ka mid ah xubnaha boqortooyada Ingiriisku uu gegidan diyaaradaha xadhiga ka jaray sannadkii 1958kii, xilligaas oo uu Ingiriisku gumaysanayey deegaankan.
Soomaalidu waxa ay gumaystihii Ingiriis markii uu dhulkoodan yimi ku xidheen shardi aad u yaab badan, oo ahaa in aanay gabadh Ingiriis ahi dhulkooda ku dhali karin, si aanu ilmaha dhashaa xaq ugu yeelan in uu jinsiyadda dalkan marti geliyey qaato. Si loo ilaaliyo asalnimada iyo nadiifnimada jinsiga Soomaaliga ee dhulkiisa ku nool.
Kadinka gegida diyaaradaha waxaa taagnaa gawaadhi kuwa qaaliga ah, cashuurta waxyaabaha la soo dejisanayo ayaa aad u jaban, si dadka loogu fududeeyo, taas oo dhiirri gelisay in baabuurtaas qaaliga ah la soo dejisto. In kasta oo qiimaha shidaalku uu qaali yahay. Garoonka diyaaradaha waxaa iga soo qaaday baabuur dheer, oo malaha loogu talogalay in uu u adkaysto waddooyinka xun iyo shaaracyada aan habaysnayn, gaadhigu waxa uu nala soo dul maray biriish ka tallaaba doox uu daadka roobku maro. Dooxan ayaa uu darawalkaygii Soomaaliga ahaa intii aan halkaas joogay oo dhan ka dhigtay meel uu igu cabsi geliyo. Haddii aan doono in habeenkii goor dambe aan socdo, isna uu doonayo in uu iska nasasho tago, waxa uu igu celcelin jiray in haddii aanu goor dambe isku dayno in aanu tagno hudheelka aan deggenaa ay suurtogal tahay in uu dooxu nagu soo rogmado oo aanu weyno meel aanu uga talowno si aanu ugu noqonno hudheelka oo ku yaallay qarka kale. Mar aan ka codsaday in uu i geeyo dekedda taariiga ah ee Berbera oo masaafad 150 kilomitir ah u jirta Hargeysa, aniga oo doonayey in aan soo arko raadadka ay awoowyadeenii Faraaciinta ahaa kaga tegeen Laas Geel, waxa uu darawalkani igu cabsi geliyey in ay suurtogal tahay in habeennimada ay daadad soo rogmadaan oo aanu weyno meel aanu uga tallowno dooxyada ka xiga Hargeysa, kadibna deegaankaas saxaraha ah aanu ku xannibanno, oo ay dhici karto in ay dhul-jiif na soo weeraraan”
Qoraalkan horudhaca ah oo uu qoraa Caadif Saqar ka sameeyey imaanshiyihiisii Hargeysa iyo wax yaabihii uu kala kulmay kadib, toddoba maalmood oo ku beegnayd 28kii Bishan Julaay, waxa uu wargeyska Al-Ahraam ku baahiyey maqaal labaad oo uu kaga waramaya in Soomaalida iyo Masaarida labaduba isir ku leeyihiin Faraacinnadii, waxa aanu cinwaan uga dhigay, “Faraacinada Soomaaliya” waxa aanu maqaalkaas oo uu mar kale wargeyskan Geeska Afrika soo akhriyey ku yidhi, “Sawirro kuwii faraacinadu dhigi jireen u eeg ayaa ku xardhan gidaarrada magaalada Hargeysa ee woqooyiga Soomaaliya oo hadda loo yaqaanno Somaliland. Ujeedada sawirradani waa in dadka aan waxba akhriyi karin loo sheego hawlaha iyo adeegyada ay qabtaan meheraduhu, sida farmasiyada iyo macdaarrada caanaha geela lagu iibiyo.
Halka ay farsamadan fircooniga ah ee sawir ku muujintu ka soo jeeddaana waa degmo taariikhi ah oo u dhow Hargeysa, waxaa ku yaalla 16 god oo saqaf aad u fiican leh. Kuwaas oo ay derbiyadooda ku xardhan yihiin sawirro ay ku badan yihiin midabbada casaanka iyo huruuddu, kuwooda ugu muhiimsanina ay yihiin lo’, weliba sawirku uu xoogga saaray candhada oo ah isha caanaha laga helayo. Sawirradan iyo kuwo kaleba waxa ay xoojinayaan sheeko baraley ay Soomaalidu ku sheegto in Faraacinadu ay asal ahaan ka yimaaddeen dhulkan Udugga, kadibna ay tegeen Masar oo ay xadaaraddeeda dhiseen. Waxaaba suurtogal ah in isirkaasi uu sabab u yahay kalgacalka fog ee mar kasta ay isu qabaan dadka Soomaalida ah iyo Masaaridu. Markii aan suuqyada magaalada dhex marmaray waxa aan dalbaday in la i siiyo Udug Soomaali aan ku xasuusto booqashadii ay boqoraddii Faraacinada ee Hatshepsut (Xat-sheb-suut) oo loo yaqaannay sayidaddii arlooyinku ay dhulkaas ku tagtay. (Taariikhdu waxa ay sheegaysaa in boqoraddu ay dhulkan u soo dirtay wafti iyo shixnado dhowr markab ahaa… boqoraddan oo magaceeda Hatshepsut macnihiisa lagu sheego tii ugu sharaf badnayd dumarka sharafta leh, waxa ay ka tirsanayd qoyskii 18naad ee Faraacinada waxa aanay talinaysay qiyaas ku siman intii u dhexaysay 1458dii illaa 1479kii Dhalashadii Nebi Ciise, Calayhi Salaam ka hor).
Saynab oo meherad iibinaysay ayaa iyada oo gacanta ku haysa tusbax midabkiisu bunni yahay waxa ay noo dhiibtay quraarado madow oo ay ku jiraan waslado xabag udug ah oo isugu jira midabbada caddaan, madow iyo bunni. Booqashadayda Somaliland waxa ay ku beegan tahay xilli gu’ ah, xilligan oo kale ayaa ay boqorad Hatshepsut kolonyo ganacsi u soo dirtay dhulkan si ay u soo helaan dhirta gu’ga ka baxda dhulkan udugga iyo ciidda casaanka bunnigu ku jira ah ee lagu aasay awoowyadeedii hore oo weli ku duugan, waxa kale oo ay doonaysay sida ay Soomaalidu sheegayso, adhiga idaha caddaanka madaxa madow ah.
Waxa aan isku dayey in aan wax ka ogaado sirta ku jirtay jacaylka ay boqorad Hatshepsut u haysay udugga dhulkan, markaasay Saynab ii caddaysay, iyada oo weliba dhinaca kalana ku celcelinaysay in tiro ka mid ah Aala-Beytkii Rasuulku (SCW) ay dhulkan udugga soo magan galeen iyaga oo ka soo firxaday xasuuqii ay ku wadeen dowladihii Umawiyiintu. Dhuxul madow ayaanu shidnay illaa ay caddaatay, kadibna waxa aanu ku ridnay in yar oo geed uduggii ah. Goobtii oo dhan waxaa isku xidhay udug maalinta oo dhan aan baxayn.
Uduggani dhinaca kalana waa dawo, oo waxa uu furaa dhuumaha yaryar ee neeftu marto, waxa uu farxad geliyaa nafta waxa aanu kaxeeyaa madax xanuunka. Sidaa awgeed uduggani udgoon iyo raaxo uun ma’aha ee sidoo kale waa dawo, waana sababta keentay caadada Soomaalida badhkeed aaminsan yihiin sidii awoowyadoodii hore ee Faraacinada ahaydba u aaminsanayd ee ah in udugga xabagtani (Fooxa, beeyada, Meydiga iwm) uu halka lagu shido ka eryo arwaaxda sharka… hadalku waxa uu ku soo ururayaa, ‘Talow Masaaridu dib ma’ u soo noolayn doonaan xidhiidhkii ay la’ lahaayeen Soomaalida, sida ay awoowyadoodii Faraacinada ahaaba yeelaan.”