Hargeysa(Geeska)-Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, ayaa guddiga wadada isku xidhaysa Hargeysa iyo Baligubadle xalay ku wareejiyay 14 milyan oo shillinka Somaliland ah.
Lacagtan oo ay saraakiishu ugu tallo galeen inay kaga qayb qaataan dib u dhiska jidkaas Baligubadle iyo Hargeysa, waxa xalay ka guddoomay guddiga wadadaas gacanta ku haysa, iyagoo saraakiisha ciidanka qaranka uga mahadceliyay dedaalka ay muujiyeen ee ay deeqda ku wareejiyeen.
Guddiga ayaa waxa ay Alle uga baryeen saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka qaranka inuu ka jasaa’I siiyo deeqda ay jidkaas ku darsadeen,iyagoo ku ammaanay hawlaha difaaca qaranka.
Saraakiisha oo halkaas ka hadlay ayaa guddiga ku ammaanay sida ay xilka iskaga saareen dhismaha jidkaas oo ay sheegeen inay ku xasuustaan halgankii SNM ee lagu soo celiyay madaxbanaanida Somaliland, waxaanay sheegeen in deeqdani aanay noqon doonin tii u dambaysay ee ay jidka ku darsadaan balse ay noqon doonto tii u horaysay.