Sangub Oo Muqdisho Ku Sameeyay Filim Lagu Aflagaadaynayo Jabhadihii Siyaad Barre Riday, Laguna Amanaanayo Tawradiisii

0
628

Picture5Muqdisho(Geeska)-Abwaan Maxamuud Cabdillaahi (Sangub), ayaa sameeyay filim lagu magacaabo Umad wada siyaasi ah sidee loo dhaqaayaa, waana filim huwan macnayaal siyaasadeed oo badan.

Filimkan oo ay jilaayadiisa ka mid tahay fanaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame iyo Abwaan Sangub, wuxuu Abwaan Sangub ku weerarayaa Jabhadihii riday dawladii Maxamed Siyaad Barre ee  kala ahaa SNM, SSDF, USC, waxaanu geesta kale ku amaanayaa dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Filimkan oo ay sidoo kale jilaayadiisa ka mid yihiin fanaan caan ka ahaa gobalka Banaadir ee Muqdisho, wuxuu xayaysiiskiisu ka socdaa telefishanka dawladda Xasan Sheekh, waxaana si rasmi ah loo soo saari doonaa dhawaan.

Wasaaradda warfaafinta oo Filimkan lagu metalayo lagana maalgelinayo waxa wasiir ka ah Cabdillaahi Ciilmooge oo dawladii Somaliya ka ahaa sarkaal ciidan oo uu saldhigiisu ahaa gobalka Togdheer, waxaanay hayb wadaagaan Abwaan Sangub.