Sanduuqa SDF Oo Gaadiid Ku Wareejisay Wasaarado Halbowle U Ah Mashaariicda Horumarinta Dalka

0
513

sdfHargaysa(Geeska)-Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxa uu si rasmi ah ugu wareejiyay Gudaha wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland 16 baabuur, wasaaradaha lagu wareejiyay ayaa ahaa shan wasaaradood iyo laba wakaaladood oo fulinay mashruuca horumarta Somaliland.

Xafladan ayaa waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ahna Guddoomiyaha komiishanka Qorshaynta Qaranka iyo Gudida maamulka Sanduuqa Horumarinta somaliland (SDF),waxaana kasoo qayb galay munaasibada masuuliyiinta wasaaradahood la siinayo Gawaadhidan,

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Baabuurtan oo dhan 16 gaadhi noocooguna yahay Toyota Hillux Pick-up ay isticmaali doonaan Kooxaha Mashaariicda ee maamulaya wasaaradaha Iyo Wakaaladaha dawlada si ay ugu kormeeraan uguna dabo galaan habsami u socodka Sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanu Wasiirku yidhi 

“Gaadiidku waa Shay aad u qaali ah marka loo eego Wasaaradaha ay shaqadooda ku xidhan tahay Gobolada dalka,Shaqaalahu waxa ay ku kooban yihiin Wasaaradaha, Markaas si shaqada gobolada loo dardar galiyo waxa loo baahan yahay Gaadiid waxa hoos inoo dhigayna waa gadiid la’aan,16tobankan gaadhi waxa ay wax wayn ka tari doonaan haay’adahaas loogu deeqay,Deeqdan halkan taala waxa loo baahan yahay inaad xil iska saartaan oo aad ilaalisaan gaadiidkan waxaana la doonayaa in ay u xanaanayno Sida ay baabuurteenu yihiin”. Wasiirka Qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray”Waxaana u mahad naqayaa Boqortooyada Ingiriiska,Denmark,Norway Iyo Dalka Natherland sida deeqsinimada leh ee ay ugu soo tabaruceen Gawaadhidan”.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah Wasaaradaha Lasiinayay Gaadiidka ayaa ka waramay Faa’idada ay leeyihiin iyo baahida ay u qabeen gawaadhi waxaana uu yidhi” “Mashruucan oo baryahanba socday Maantana tusaale wanaagsan u ah sida halkan ka muuqata oo baabuurtii lagu hawl galayay Wasaaradaha lagu wareejinayo,anaga wasaaradda xanaano xoola ahaan oo ka mid ah wasaaradaha jaaniska u helay Mashruucan,Anaga oo ka duulayna wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland Siyaasadeeda Waxaanan uga faa’idaynaynaa wixii Naloogu dhiibay”.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland Shugri Xariir Ismaaciil (Baandare) oo Iyana ka mid ah wasaaradaha Gawaadhida lagu wareejiya oo iyana munaasibada ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Runtii Maanta waynu ognahay qarankeenu inta uu soo jiray iyo halkan aynu soo gaadhnay,Baabuurtani Maanta waxa ay naga anfacayaa Mashaariicda aynu Maanta gacant ku hayno iyo kuwa soo socda si wayn ayay wax noogu tarayaan,ka wasaarada ahaana waxaanu ognahay baahida aanu u qabnay,imikadaas aan idin la hadlayaana baabuurta noogu maqan Gobolad dalku waa kiro lakiin Maanta waanu ka raysan doonaa oo kuwan ayaa buuxin  doona halkii laga soo saaray”. Wasaaradaha Beeraha,Wakaalada Biyaha,Qorshaynta Qaranka ,khayraadka  Biyaha,Wakaalada Biyaha ee Hargyasa oo iyaguna masuuliyiinta u gudoomay ay madasha ka hadleen ayaa si isku mid ah ugu mahad naqay wasaarada qorshaynta somaliland dadaalka ay ku keentay gawaadhid ah.

Wasiirul Dawlaha Wasaaradda maaliyada Cismaan Cabdillaahi Saxardiid(Cadaani), oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay qaabkii uu mashruucani u hirgalay, waxaanu sheegay in isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ay hirgelinta hawshan muddo  u joogeen dalka Itoobiy, waxaanu sheegay in Wasaaraddahan aan la iska siin Baabuurtan ee markii la arkay baahida ay u qabaan darteed la siiyey.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Masuuliyiinta Wasaaradahaas ku wareejiyay Furayaasha Baabuurta, iyada oo Wasaaaraduhu u kala heleen gaawadhida sidan Wasaaradda Beeruhu waxa ay heshay laba Gaadhi, Wasaaradda Xanaanada Xooluhu waxa ay heshay Saddex Gaadhi, Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarka Reer Miyiga waxa ay heshay Saddex Gaadhi, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Laba Gaadhi Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Laba Gaadhi, Wakaaladda Biyaha Hargeysa laba Gaadhi,m Wakaalaldda Horumarka Waddooyinka Laba Gaadhi.

Waxa isaguna munaasibadaas hadal ka jeediyay maxa xafiiska Somaliland ee SDF Mr. Anthony Njune iyo Siciid Axmed Faarax oo ku hadlaya magaca darawalada gaadiidka cusub oo shaqada ku helay nidaam tartan ah oo imtixaan laga qaaday.

Si kastaba ha ahaatee Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq Lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo dawlada somaliland  kaas oo socon doona Mudo ku siman 4Sanadood,Sanduuqa Horumarinta Somaliland ayaa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Horumarinta Somaliland Ee shanta sano,waxaana maal galiyay Sanduuqan Haayadaha xaga Horumarinta u qaabilsan Dalalka Denmark,Norway Iyo Dalka Natherland, kuwaas oo deeqda ay bixiyeen dhan tahay 60-milyan oo Doolar.