“Saleban Waxaan Leeyahay Magac Xumo Qaranka Hakaga Tagin”

0
645

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Mucaaradka Waddani Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ugu baaqay inuu magaciisa iyo sharaftiisa ilaashado, oo go’aanka ay ku heshiiyeen Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu ee ku saabsan muddo kordhinta in aanu ka hor iman.

Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Mucaaradka Waddani Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay doorka ay Xukuumaddani ka qaadatay Siyaasada Arrimaha Dibada,Siyaasada Arrimaha Guddaha, dhibaatada ay leeyihiin Qabyaalada iyo Shaqo la’aantu waxayna hadalkiisi uu ku bilaabay   “Xisbiga Waddani uu soo dhaweeynayaa go’aankaas aanu la gaadhnay Xukuumadda iyo Labada Xisbi ee kale,  dood dheer kadib aniga oo ka mid ahaa Guddidii loo xilsaaray ama loo igmaday xagga Waddani, uga qeyb galaan wada hadalada ka Maxamuud ahaan iyo ka Waddani ahaanba waxa aanu soo dhaweeynayaa go’aankaas oo aan u arko mid Qaran, waxa aanu u aragnaa go’aan ay Maslaxada Dalku ku jirto, waxa aanu u aragnaa go’aan ay Somaliland kaga badbaadayso dib u dhac, iyo burbur Siyaasadeed, waxa aanu u aragnaa go’aanka ka farxiyey Umadda iyo Qaranka Somaliland, kana nixiyey inta Somaliland neceb, gaar cida Somaliland la jecel inay dib ugu noqoto dagaale sukeeye, waxaan u hambaliyeynayaa Saddexda XIsbi Qaran iyo Dawladdaba sidii ay u wada gaadheen go’aankan oo Qaranka dan u ah, waxa aan u hambaliyeynayaa Guddoomiyahayga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Crro), sida qiimaha badan ee uu kalsoonida noo siiyey, Guddi ahaan ee uu noogu hagay Siyaasad ku salaysan bislaasho Siyaasadeed”.

Maxamuud Raage ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu karo mawqifka uu ka istaagay Guddoomiyaha Guurtidu go’aanka Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda ayaa ku jawaabay “Saleebaan waa Nin masuul ah, waa masuul Qaran, waa Nin Ruug caddaa ku ah Siyaasada Somaliland, waa Nin garanaya Umaddu waxa ay ku heshiiso iyo dhanka loo bato, misaanka uu leeyahay, u malayn maayo Qaranku waxa uu ku heshiiyey,Xisbiyada iyo Dawladduna ku wada socdaan inuu ka hor imanayo, haddii se uu garto inuu ka hor yimaado, waanu kala talinaynaa,waxaana leenahay Saleebaanoow waari maysid ee war ha ka hadho, Umaddani waxa ay kugu xasuusto oo wanaag ah oo Taariikh wanaagsan ku ah magacaagadana u fiican inaad qaado ayaa fiican.

Guurtidana waxa aan u jeedinayaa waxa la idinku yaqaanay Guurti ahaan inaad maslaxda Umadda ka talisaan iyo inaad idinku ka hor tagaan khilaafka oo aad joojisaan khilaafyada, Guurtida laguma aqoon kumayna soo caan bixin inay iyadu ka noqoto khilaafka hogaamiye, Saleebaan Maxamuud Aadan waan u nasteexaynayaa waxaana leeyahay magaca xumo Qaranka ha uga tagin”.

Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibada ayaa yidhi “Siyaasada Arrimaha Dibada qodobka ugu muhiimsani ee Saldhiga u ahi waa inay Somaliland Ictiraaf Caalamiya hesho,Xukuumaddani qodobkii Ictiraaf raadinta wey badeshay, waxayna  bilawday inay wada hadal la furto Dawladda Somaliya, madaama ay Somaliya waxa inaga dhexeeyaan inay xaggaas ka doonto Ictiraafkii ayey ku dhaqaaqday, wey iska adagtay in Dawladda Somaliya ay tidhaahdo Somaliland waanu ictiraafnay, iyada oo ku doonaysa in Somaliya dib la iskugu soo celiyo, Xukuumaddu go’aankaas ay qaadatay runtii Golayaashuna wey  la qaateen, laakiin waxaad mooda inuu fashil uu ku soo dhamaaday, wada hadalkii Somaliland iyo Somaliyana uu burburay, marka aad u soo noqoto Wadamada Dibada sida Afrika, Asiya iyo Yurub, dadaal fara badan oo Shacabku sameeyeen wey jiraan, sida Golayaasha UK, Cardiff iyo Shefield, waa iska heer Degmooyin, oo lama odhan karo waa Aqoonsi, balse waa dadaal, runtii ma muuqato midho dhal Siyaasad Arrimo dabadeed, ma muuqato maxsuul ka soo baxay, xagga maal-gashiga marka loo eego dabcan waxa aad odhan kartaa Wasaaradda Qorsheynta Somaliland oo uu fadhiyo Nin khabiir ah Muddane Sacad Cali Shire maal-gashi fara badan ayaa Somaliland lagu sameeyey, taas oo Beesha Caalamku galisay, inay Xukuumadda Somaliland beesha Caalamka dhego furnaato waa waajib, laakiin fool xumo ayey ahayd in Lixdii ilaa Saddexdii bilood ee ugu dambeeyey in Madaxda Somaliland dhaleecayn ay u soo jeediyaan Bulshada Caalamka, oo wada shaqayni inaga dhexeeyso, Shantii Sanno ee ay Xukuumaddani xilka haysana waxa badan kamay keenin Siyaasadii Arrimaha Dibada”.

Maxamuud Raage mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Guddaha waxa uu yidhi “Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo runtii ay soo mareen Wasiiro badani, waxa aan odhan karaa inay tahay Wasaarad shaqadeeda gudata, ilaalinta amniga Gobolada Barriga Somaliland, waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudduhu wax weyn ka qabatay Dhalinyaradii Hargeysa ka dilaacday ee kooxaha kooxaha ahaa, Wasiir Cali Waran-cadde-na waa Wasiir macquul ah, balse amnigu waxa uu ku sii adkaanaya kuna sii xoogaysanayaa in Shaqo abuur la sameeyo, maxa yeelay Nabadgeliyadu ma istaagto oo waxyaabo badan ayaa ku xidhan, oo haddii shaqo abuur la waayo, Dhalinyaradu haddii ay shaqo waayaan, Nabadgeliyadu ma sii waarayso, shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ma xuma balse waxyaabihii ku xidhnaa shaqo abuur la’aanta, qabyaadii oo xoogaystay, musuq-maasuqa xad dhaafka ah ee Dhalinyaradu arkayaan, oo kuwii la mid ahaa oo Dawladda Saddex ama Laba Sanno ku jiray oo Dabaqyo dhaadheer dhistay, oo Inankii Dhalinyarada ahaa ee suuqa joogay Inankii la mid ahaa oo Aroos ku sameeysanaya 50-kun oo dollar, oo ay ka mid tahay Dhalinyaradii oo ay qaar wadaan Baabuur cusub nooci ugu dambeeyey, oo la garanayo Inankaasi wakhtigii uu Hargeysa yimid, oo isna uu Jaamacada ka baxay oo Shan Sanno uu dhiganaayey, oo Dawladdii u kala eexatay oo midna u ogaalatay inuu Gaadhi siisto Lacag aad u badan midina uu bilaa shaqo yahay waa nasiib daro, waxaana jira Cadalad  daro, waxa yar ee ina soo galayaana haddii si cadaalada daro ah loo qeybiyo waxa ay keeni karta dib u dhac ku yimaada Nabadgeliyada”  Maxamuud Raage ayaa mar uu ka hadlaayey Qabyaalada iyo Sharci darada ayaa yidhi  “Inaynu Qabyaalada taageerno waxa inoo fiican inaynu Qaran taageerno, inaynu Sharci ilaalino ayaa ka fiican Sharci darada oo aynu taageerno, inaga hebel qiimo inooma laha ee Sharciga ayaa qiimo inoo sameeynaya, inaga Gobol qiimo inooma laha ee Somaliland ayaa qiimo inoo sameeynaysa”