Hargeysa(Geeska)-Dugsiga sare ee Salaama Secondary School ayaa guulo laxaad leh ka soo hooyay natiijada imtixaanaadka dugsiyaga sare ee Somaliland oo ay wasaaradda waxbarashada Somaliland shalay ku dhawaaqday.
Dugsiga sare ee Salaama waxa uu sannadkan helay darajooyin sare oo ay ardaydiisu ka soo hooyeen imtixaanaadka shahaadiga ah. Laba arday oo dugsiga sare ee Salaama ah ayaa ka mid noqday tobanka arday ee ugu sareeya dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan, waxaanay labadaas arday kala yihiin Hana Jaamac Cabdiraxmaan Xasan oo heshay 740 dhibcood iyo Maxamuud Khadar Xasan Ducaale oo helay 737 dhibcood. Afar hablood ayaa iyaguna ku jira tobanka hablood ee ugu sareeya dugsiyada sare ee Somaliland, waxaanay kala yihiin Hana Jaamac Cabdiraxmaan, Isra Axmed Haaruun Ismaaciil, Bahda Aadan Ibraahim Maxamed iyo Amran Axmed Maxamuud Cali. Maamulaha dugsiga sare ee Salaama Siciid Faarax Xuseen, ayaa sheegay in tirada ardayda Salaama ee sannadkan u fadhiisatay imtixaanka dugsiyada sare dhammaayeen 319 arday, 234 arday waxay heleen darajada A, 81 waxay heleen darajada B, halka ay 4 arday heleen darajada C. “Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ardayda salaama ee guusha soo hooyay, waxaanan sidoo kale bogaadinayaa macalimiinta ku tacabtay ardaydaas.” Ayuu yidhi Siciid Faarax.